​Diyaaradda Djibouti Airlines oo dib u billowday Duulimaadyadeeda Somalia

Image

MUQDISHU, Somalia- 25 sano kadib, Diyaarad ay leedahay Shirkadda Djibouti Airlines ee dalka Jabuuti, ayaa maanta kusoo degtay Garoonka Diyaaradaha Aden Adde International Airpirt, ee magaalada Muqdishu caasumadda dalka Somalia.

Xamuul iyo Rakaab ay kasoo qaaday dalka Jabuuti, ayaa la sheegay inay Diyaaraddu waday, iyadoo Duulimaadka ay Muqdishu ku timid lagu sheegay inuu ahaa mid lama filaan ah.

Socdaalka Djibouti Airlines ee dalka Somalia, ayaa wuxuu kusoo beegmaya, iyadoo Mas’uuliyiinta Garoonka Diyaaradaha Aadan Adde ay sheegeen in la adkeeyay ammaanka guud ee garoonka Muqdishu.

Djibouti Airlines ayaa la filayaa inay samayn doonto Duulimaadyada Tooska ah ee dalalka Somalia iyo Jabuuti, oo horey ugu howlgali jireen Diyaarado shisheeye leeyihiin.

Sanadkii 2012-kii, Turkish Airlines ayaa noqotay Diyaaraddii ugu horreysay oo Caalami ah oo duullimaad ku timaadda Muqdishu muddo 20 sano ka badan, iyadoo dhiiri-gelisay Diyaarado kale oo Caalami ah.

Dalka Somalia, ayaa sameeyay hormar dhinaca ganacsiga ah inkastoo wali jirto khataraha ka imaanaya kooxaha xiriirka la leh Argagixisada.

Bishii February, 2016 ayay ahayd markii kooxda Al Shabaab qarxisay diyaaradda Daalo oo xilligaas safar kusii ahayd dalka Jabuuti, waxaana taasi keentay in muddo socdaalkeeda hakad galiso diyaaradda Turkish Airline oo caasumadda Somalia imaan jirtay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM

Duulimaadyadii ugu horreeyay ee xujeyda Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sucuudiga

Maamulka garoonka Maddiina ayaa sheegay in habraacyada gelitaanka xujeyda Soomaaliyeed loo fuliyay si hufan.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 11:20AM