Diyaaradda Kenya Airways oo dib u billowday duullimaadyadii Muqdisho

Image
Tallaabadan ayaa qeyb weyn ka qaadan karto isku socodka dadka iyo badeecadaha dalka.

Muqdisho, Soomaaliya - Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa ka qeybgalay manaasabad xarigga looga jarayay Duulimaadkii ugu horeeyay ee Diyaaradda Kenya Airways ku tageyso Magaalada Muqdisho.

Munaasabadaan ayaa waxaa ka qeyb galay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle, Wasiirka Wasaaradda Difaaca Dowladda Kenya Mudane Aadan Barre Ducaale, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Kenya Mudane Onesimus Kipchumba Murkomin.

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa waxa uu Warbaahinta uga warbixiyay muhiimada ay u leedahay in Shirkada Diyaaradaha Kenya Airways maanta bilowdo Dulimaad toos ah ay ku tagi doonto Muqdisho - Nairobi.

Tallaabadan ayaa qeyb weyn ka qaadan karto isku socodka dadka iyo badeecadaha dalka, maadaama Dowladda Somaaliya dhawaan ku biirtay Ururka Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Shirkadaha ganacsiga ee ka socda wadamada gobolka ayaa sidoo kale la filayaa in ay xarumo ka furtaan dalka si loo horumariyo is dhexgalka dhaqaale ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Bulshada Bariga Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM