AFRICOM oo sharaxdey duqeynta Idaacada Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka [drones] ayaa lagu waramay in ay duqeeyeen xarunta Idaacadda ku hadasha afka Al-Shabaab ee degaanka Kuunya Barow ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliska Mareykanka ee qaaradda [AFRICM] oo xaqiijiyey in duqeynta ay dhacdey shalay oo Jimce ahayd ayaa xusay in ay burburiyeen laba dhisme oo maleyshiyadda lahayd. Balse ma carabaabin hadday ahayd Idaacadda Andulus ee Al-Shabaab.

AFRICOM ayaa xustey in aysan jirin waxyeelo dad shacab ah kasoo gaarey howlgalkaas balse waxay tibaaxdey in ay diyaar u tahay baaris hadii sheegashooyin soo if-baxaan.

Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan duqeyntan oo kasoo baxdey dhanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo maleyshiyaadka Al-Shabaab.

Warbaahinta xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacidda ayaa isugu jirta Idaacad iyo website [mareeg] - dhamaan waxay ka siman yihiin baahinta macluumaadka maleyshiyadda argagixisada ah.

Howlgalka Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa horey ugu eedeeyay saxaafadda Al-Shabaab in ay "been abuur" ka faafiyaan weerarada dhanka cirka ee diyaaradaha Ameerikaanka.

Bishii hore ee December 24-keeda sanadkii hore 2020, taliska AFRICOM ayaa shaaciyey in uu duqeeyay dhisme ay Al-Shabaab ku lahayd degmadda Saakow ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidda ku cad bayaanka taliska kasoo baxay waqtigaas, howlgalkaas waxaa "lagu fashiliyey ficilo fool xun" mana jirin khasaaro shacab kasoo gaarey duqeyntaas.

Duqeyntan ayaa waxay noqoneysaa howlgalkii horeeyay ee ay Soomaaliya ka fuliyaan sanadka cusub ee 2021 xilli ay askarta Mareykanka ee waqti xaadirkan ku sugan ay bilaabeen in ay u wareegaan wadamadda kala ah Kenya iyo Jabuuti.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa khatar kali-talisnimo iyo burbur ku yimaada federaalka 

Doorashooyinka la qorsheeyay ayaa dalka ka saari lahaa nidaamka beelaha kuna bedeli lahaa cod-bixin guud.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 02:21PM

Farmaajo: Xasan Sheekh wuxuu si ula kac ah ugu tuntay Dastuurka Soomaaliya

Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku kacay falal ka hor imaanaya dastuurka.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 09:45AM