Dood lagu furay ololaha la dagaalanka musuqmaasuqa ee DF Soomaaliya
NAIROBI, Kenya – Madaxweyne Farmaajo ma jirto meel uga banaan la dagaalanka aafada musuqmaasuqa, sababtoo ah isagaaba kusoo baxay hanaan is-dabamarin isla markaana laaluush bixiyey, sidda uu shaaca ka qaadey siyaasi.
Cabdiraxmaan Caynte, wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya, ayaa tilmaamay in Farmaajo uu lacago siiyey mudaneyaashii doortey 8-dii Febraayo 2017. Murashaxiinta kale ayuu xusay in ay lamid ahaayeen.
Caynte oo caasimada Nairobi ee Kenya kaga qeygalay kulan uu soo qaban-qaabiyey Machadka Daraasaadka Hiigsi ayaa su'aal geliyey mas'uuliyiinta ay dhowaan musuqmaasuq u xukuntay maxkamada gobolka Banaadir.
Asbuucii hore, xeer-beegtada fadhigeedu yahay Muqdisho ayaa xukuno xabsi, ganaax iyo xafiis ka reebid waxay ku xukuntay agaasimeyaal iyo howlwadeeno ka tirsan Wasaarada Caafimaadka, Kalluumeysiga iyo Warfaafinta.
"Waxaan arkayey niman agaasimeyaal ah oo la leeyahay Wasaaradda Caafimaadka ayay lacag ka dhaceen, musuqmaasuqa ninka odayga u ah waddanka ayaa bilaabay. Aniga waxaan rabaa qofka in uu isaga marka hore nadiif yahay, markaas ayuu dhihi karaa waxaasaan diidanahay," ayuu tibaaxay.
La dirirka musuqmaasuqa ayaa kamid ahaa Sagaal balanqaad oo madaxweyne Farmaajo sameeyay intii uu ololaha ku jiray. Amniga, doorasho qof iyo cod iyo qabyo tirka dastuurka ayaa kamid ahaa. Balse waxba kama qaban.
Maxkamadeynta mas'uuliyiintan ayaa timid iyaddoo muddo xileedka uu dhamaad ka yahay Farmaajo isla markaana wajahayo cadaadis ku saabsan in doorashada 2020-21 waqtigeeda ku qabto, balse uu rabo dheereysi.
Talaabadan ayaa waxay u muuqataa mid ay dowladda waqtiga kasii dhacayo ku jileyso in ay la dirireyso wax is-dabamarinta isla markaana uu ololaha doorashada soo aadan ku galo Farmaajo.
Dhanka kale, Caynte oo si furan u naqdiyey muddo kororsi ayaa carabka ku dhuftay in xukuumadda haatan jirtay ay ku fashilantay qodobadii ugu muhiimsanaa heshiiskii London oo ahaa dastuurka iyo cod-bixinta.
Sidaas awadeed, wuxuu soo jeediyey in coddeynta soo aadan ay waqtigeeda ku dhacdo, arrintaas ay muhiim u tahay xasiloonida iyo dowladnimadda.
Madaxda dowlada federaalka iyo maamulada oo ay wehliyaan saaxiibada caalamka ayaa lagu waddaa in maalmaha soo aadan ku kulmaan magaala madaxda Muqdisho si ay heshiis uga gaaraan nooca doorashooyinka nagu soo fool leh.
GAROWE ONLINE