Doon ay la socdeen muhaajiriin Soomaali kamid yihiin oo qalibmatay

Image

TRIPOLI, Libya – Hay'adda Caalamiga ah ee Socdaalka ayaa sheegtay in Doon ku rogmatay Mediterranean ayna la socdeen muhaajiriin Soomaali ku jiraan ay ku dhinteen saddex, 13 kalana la la'yahay, 22 kalana lasoo badbaadiyey.

Xilli dadka geeriyooday kamid yihiin nin u dhashay Suuriya iyo haweenay, jinsiyadaha qaxootigaan ayaa kala ah; Masar, Bangladesh, Syria iyo Ghana.

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeed kasoo baxay IMO, kalluumeysato Liibiyaan ay soo war-geliyey Doonta qalibantay, waxaa kooxda badbaadey loo daabulay dekada magaalada Tripoli, halkaasoo lagu hubin doono xaaladooda.

Afhayeen u hadlay hay'adda wuxuu daaha ka rogay in doontan ay kasoo baxdey magaalada bariga caasimada Tripoli ku taala ee lagu magacaabo Zliten.

Warbixinta IMO ayaa kusoo hagaagtay maalmo kadib markii Amnesty International ay ka codsatay Midowga Yurub in ay tixgeliyaan la shaqeynta Libya si wax looga qabto "xadgudubyada foosha ee loo geysanayo qaxootiga".

Midowga Yurub ayaa taageeray heshiis muran dhaliyey oo Talyaaniga ku maalgelinayo Ciidamada Xeebaha Libya si u joojiyaan qulqulka dadka.

In ka badan 100-kun oo qaxooti ah ayaa isku dayday in ay sanadkii hore kasoo talaabaan Mediterranean, waxaan tirro kor-u-dhaafeysa 1,200 ay dhinteen iyagoo isku dayaya in ay galaan Yurub, sidda ay qormo ku shaacisay hay’ada IMO.

Axadii, hay'adda Laan-qeyta Cas faraceeda Libya ayaa wadamadooda ku celisay 22 qaxooti ah kuwaasoo ku sugnaa nawaaxiga magaala xeebeedka Zwara.

Magan-galyo doonayaan ka badan 300 ayaa illaa haatan sanadkan 2020 waxay ku halaagmeen xeebaha Libya, sidda ay ka dhawaajiyeen Hay'adda Caalamiga ah ee Socdaalka iyo Guddiga Sarre ee UN-ka u qaabilsan arrimaha qaxootiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xayeysiisyada Sigaarka Iyo Saameynta Da’yarta Ku Leeyahay

The Guardian ayaa sheegtay in ay jiraan sababo dhawr ah oo loo aanaynayo in sigaarku…

  • Soomaliya

    03-07-2026

  • 07:23AM

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM