Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Image

Ciidamada badda Midowga Yurub ee howlgalka Operation Atalanta ayaa la wareegay doon yar oo laga leeyahay dalka Iiraan, taas oo toddobaadkii hore ay burcad-badeed Soomaaliyeed u adeegsadeen weerar ay ku qaadeen markab siday shidaal, meel ku dhow xeebaha Soomaaliya.

Weerarkan ayaa qayb ka ah weerarro dhowr ah oo dhawaan ka dhacay xeebaha Geeska Afrika, kuwaas oo dib u soo nooleeyay walaaca laga qabo ammaanka marin-biyoodka muhiimka ah ee dunidu u marto si ay u gudbiso tamar iyo badeecooyin muhiim ah.

War kasoo baxay howlgalka Operation Atalanta ayaa lagu sheegay in shaqaalaha doonta la qabtay ay badqabaan isla markaana caafimaad qabaan, iyadoo saraakiishu sheegeen inay la shaqeynayaan hay’adaha Soomaaliya si loo raadiyo kooxdii burcad-badeedda ahayd.

“Doonida, oo ay burcad-badeeddu kaga tageen xeebta woqooyi-galbeed ee Soomaaliya, waxaa si dhow ula socday oo kormeerayay markabka calanka u sida howlgalka iyo markab dagaal oo Hindi ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Talaadadii la soo saaray.
“Kooxdii burcad-badeedda ahayd ee halkaas ku hawlgalaysay waa la kala diray.”

Burcad-badeeddu waxay doonta kalluumeysiga ahayd qabsadeen horraantii bishan, iyaga oo maalmo kaddib u adeegsaday weerar ay ku qaadeen markab shidaal siday oo calanka Malta sida, laguna magacaabo Hellas Aphrodite, kaas oo siday shidaal laga keenay Hindiya loona waday Koonfur Afrika.

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM