Doon ka baxsatey Ceel-huur

Image

28 August, 2015 (GO)-Doon laga leeyahay dalka Iran ayaa lagu soo waramayaa inay ka baxsatey gacanta Burcad-Badeed Somali ah oo ku sugnaa deegaanka Ceel-huur oo ka tirsan degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya inay shalay doontani baxsatey, waxaana saarnaa Afar qof oo Somalia ah iyo 16 bad-maax u dhashay dalka Iran.

Si rasmi ah looma oga qaabka doonidu u baxsatay, balse warar ayaa sheegaya in badmaaxiintu ay ka xoog bateen 4 burcad-badeed doonidaasi haystay. 

Cabdullahi Maxamuud oo ku sugan Hobyo ayaa idaacadda  VOA-da u xaqiijiyay dhacdadan, waxaana uu tilmaamey in doontan ay ka mid ahayd 2 doonyood oo laga lee yahay dalka Iran iyo dad gaarayey 36 qof oo gacanta ugu jiray burcad badeedda Somali ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM