Doorashada 2020-21 oo la isku raacay in aysan noqon karin qof iyo cod

Image

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya – Doorashooyinka Soomaaliya ee loo qorsheeyay sanadka 2020-21 ma noqon karaan qof iyo cod, sidda ay cod wadajir ah ku shaaciyeen madaxda dowlad goboleedyadda waddanka.

Madaxweyneyaasha ayaa waxay mowqifkooda ku caddeeyeen war-murtiyeedka aadka loo sugayey ee kasoo baxay shir-madaxeedkii ay ku yeesheen magaala madaxda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Sidda laga soo xigtay qoraalka oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online, maamuladda ayaa doonaya in coddeynta soo aadan ay waqtigeeda ku dhacdo iyaddoo aysan jirin muddo kororsi.

Si looga fogaado waqti ku darsi ay sameeyaan hay'addaha dastuuriga federaalka, maamulada ayaa soo jeediyey in ay qabsoonto nooc doorasho oo taladeeda loo dhan yahay kuna qabsoonta mudada harsan.

"Sidda ay sheegtay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka, dalka kama dhici karto doorasho qof iyo cod ah oo waqtigeeda ku dhacda, sidaas darteeda, waa in tubta farsamo ee qabsoomida doorashadda Dalku ay noqoto mid taladeeda loo dhan yahay, nooca ahaanna ku dhici karta muddo xileedka harsan," ayaa lagu yiri nuqul kamid ah warka qoraalka ah ee shirka.

Baarlamaanka 10aad ee dalka ayaa waqtigu ka dhamaanayaa bisha November, halka xukuumadda ay dhaceyso Febraayo, 2021.

Mowqifka ay dowlad goboleedyadda iska taageen doorashooyinka soo aadan ayaa culeyska kusii kordhinaya Villa Soomaaliya oo wajaheysa eedeyn la xiriirta in aysan diyaar u ahayn doorasho iyo wadahadal.

Guddiga doorashooyinka madaxa-banaan ayaa bishii hore u bandhigay baarlamaanka laba nooc doorasho oo mid ay dhici karta August, 2020 iyo nooc kale oo qabsooni karta bisha Maaj ee sanadka dambe.

Ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa todobaadkii hore wuxuu qiray in muddo kororsi ay sameystaan hay'addaha dowladda ay horseedi karto xasilooni darro, amni darro iyo qalalaaso dastuurka la xiriira.

Dowladda Farmaajo ayaa looga fadhiyey in ay dalka ka hirgeliso doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020-21, balse waxaa muuqata in ay ku fashilantay maadaama aysan fulin halbeegyadii sidda dastuurka iyo amniga.

MUUQAALKA SHAACINTA SHIRKA JARAA'ID

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM