​Doorashada Aqalka Hoose ee Galmudug oo dib u billaabatay iyo Jeneral Gaafow walaalkiis oo la doortay

Image

CADAADO, Somalia- Waxaa maanta oo Khamiis ah dib u furmay goobaha codbixinta doorashada aqalka hoose magaalada Cadaado, oo xarunta KMG u ah maamulka Galmudug.

Kursiga ugu horeeyay  doorashadii saaka dhacday, waxaa kusoo baxay Cabdiqaadir Gaafow Maxamuud, oo la dhashay Agaasimaha Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Somalia Jen Cabdullaahi Gaafow Maxa'uud.

Cabdulqaadirka la doortay ee la dhashay Gaafoow, ayaa kamid ah qurba joogta Canada, waxaana Soo saaristiisa ka qayb qaatay Jenaral Gaafow, oo degmada Cadaado u yimid sidii u dhammayn lahaa booskaas isagoo galaan gal xoose ku sameeyay Ergada iyo beesha uu kasoo jeedo.

Codbixintii Shalay ee magaalada Cadaado, ayaa waxaa lagu doortay 8 Xildhibaan, oo ay ku jiraan Hogaamiye Kooxeed Bootaan Ciise Caalin iyo Wasiirkii hore ee Warfaahinta Somalia Mustaf Dhuxulow.

Doorashada aqalka hoose ee Galmudug ayaa waxaa hareeyay is-qab-qabsi iyo muqus-maasuq dhanka Kuraasta Baarlamaanka, taasi oo keentay in la xiro Wasiir iyo Saraakiil katirsan Galmudug.

Sidoo kale, waxaa magaalada Cadaado shalay lagu dilay Oday kamid ah Ergada Doorashada, waxaan dilkiisa sababay xiisado u dhaxeeyay beelo kamid ah kuwa u tartamaya Kuraasta Aqalka Hoose.

Doorashada Galmudug ayaa la sheegay inay ku gacan-sareeyaan Rag xulufo la ah Madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday ee Somalia Xasan Sheekh Maxa'uud, kuwaasi oo kamidyihiin; Cabdulqaadir Gaafow, Mahad Salaad iyo Mustaf Dhuxulow.

GAROWEONLINE

Related Articles

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM

Duulimaadyadii ugu horreeyay ee xujeyda Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sucuudiga

Maamulka garoonka Maddiina ayaa sheegay in habraacyada gelitaanka xujeyda Soomaaliyeed loo fuliyay si hufan.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 11:20AM