Doorashada gobolada waqooyi ee Golaha Shacabka oo lasoo afmeeray

Image
Saddexdii kursi ee ugu dambeysay ayaa Isniinta maanta ah lagu qabtey magaalada Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maanta oo taariikhdu tahay 21/02/2022 waxa la doortay saddexdii xildhibaan ee ugu dambeeyay doorashadda xildhibaannada Gobollada Waqooyi ee Golaha Shacabka.

Doorashadu waxay qaadatay saddex billood iyo 20 maalmood. Ra'iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Rooble iyo Ra'iisul Wasaare ku Xigeenka Mahdi Guuleed ayaa ka qeybgalay munaasabada xiritaanka.

Qoraal kasoo baxay guddiga doorashada gobolada waqooyi ayaa lagu yiri "Waxaan marka hore u mahadcelinayaa Ilaaheenna Weyn ee noo suurta-geliyay in aannu u fulino doorashada si waafaqsan habraacyadii ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran".

"Waxa Sharaf gaar ah u ah Guddiga Doorashada ee Gobollada Waqooyi in ay noqdeen guddigii ugu hor bilaabay doorashada, maantana noqday guddigii ugu hor dhammeeyay hawlaha doorashada ka hor 25/02/2022 oo ah waqtigii loo asteeyay in lagu soo afmeero doorashada Golaha Shacabka ee BJFS," ayaa la raaciyey bayaanka kooban.

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay: "Waxa sidoo kale aanu ku guulaqysanay xaqiijinta qoondada haweenka ee 30%, marka tirada guud ee xildhibaannada laga saaro labo kursi oo gaar u taagan oo aannay suurtagal ahayn qoondo haween laga gooyo".

"Ugu dambayn, waxaan ugu baaqayaa Guddiyada SIET iyo FIET in ay dedejiyaan hawlaha doorashada dalka oo muhiim u ah horumarka dawlad-dhiska iyo xasilloonida siyaasaddeed iyo amni ee JFS," ayaa lagu soo xiray.

Tirada la doortay Xildhibaannada Golaha shacabka baarlamaanka 11aad ee Gobollada Waqooyi ayaa wadartoodu tahay 46. Xubnaha dib loo doortey waa 23

Mudaneyaasha ku cusub golaha waa 23. Tirada Labka waa 33, halka tiradda dhadiga ay tahay 13, sida ku xusan tirokoob guddigu sameeyay oo war-saxaafadeedka maanta soo baxay kasoo dhex-muuqdey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM