Doorashada Golaha Shacabka oo noqotay "magac-u-yeel"

Image
Arrimaha la diiwaan-geliyey waxaa kamid ah in lasii og-yahay cida kusoo baxaysa kursiga.

MUQDISHO, Soomaaliya – Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka ayaa waayay kursigii xildhibaano ee golaha shacabka ka dib doorasho Arbacada maanta ah ka dhacday Baraawe oo uu ku soo baxay Maxamed Cabdalla Axmed.

Muudeey oo dhawaan loo diiday in uu u dhoofo Baraawe ayaa waxaa kusrigii uu ku dhafiyay ee HOP145, ku soo baxay Maxamed Cabdalla Axmed halka Musharaxii la tartamay Cabdullaahi Axmed Cabdi uu helay 12 cod, waxaana halaabay 2 cod sida uu sheegay guddiga SEIT ee Koofur Galbeed Soomaaliya.

Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey oo shanti sano ee la soo dhaafay ku dhamaystay guulwadayn ayaa ka mid ah siyaasiyiinta sida weyn u difaacay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday iyo damaciisa shaqsiyeed balse waxa uu wajahayay bahdil xoogan.

Muudeey iyo Cali Yare ayaa 13 iyo 14 bishaan doonayay in ay ka duulaan garoonka Muqdisho, si ay u doontaan kuraas ay hunguriyeynayeen waxaana laga hor istaagay safarkooda.

Is-hortaaga lagu sameeyay Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey iyo Cali Yare ayaa waxaa ka dambeeyay, sida ay sheegeen, Lafta-gareen iyo Qoor Qoor oo xulufo la ah madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday.

Arrimahan ayaa imanaya xili laga deyrinayo doorashada Golaha Shacabka, oo noqotay mid magac u yeel ah, maadaama inta badan xildhibaanada kusoo baxay kuraasta la doortay ay yihiin kuwo markii horeba loo xiray oo lasii ogaa.

Garowe Online ayaa fahamsan in hogaamiyaha Galmudug, Axmed Qoor Qoor uu kursiga Hop#147 u xiray xildhibaan Mahad Salaad oo ay yihiin saaxiib siyaasadeed.

Wixii ka dambeeyey dagaalkii Guriceel ee Galmudug iyo Ahlusunna, Qoor Qoor wuxuu toos u go’aansaday inuu kursigaan ku dhiso Mahad Salaad ayay leeyihiin xubnaha ku dhow dhow hoggaamiyaha Galmudug, Cali Yare waxaa xilligaas lagu eedeeyey inuu taageero buuxda siinayey kooxda Ahlu-Sunna.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Farmaajo: Xasan Sheekh wuxuu si ula kac ah ugu tuntay Dastuurka Soomaaliya

Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku kacay falal ka hor imaanaya dastuurka.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 09:45AM

Jubaland: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu Khatar Gelinayaa Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya

Waxay sidoo kale ugu baaqday beesha caalamka iyo saaxiibada caalamiga ah inay si dhab ah u taageeraan shacabka Soomaaliyeed.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 09:32AM