Doorashada guddoonka barlamanka Jubaland oo berri dhacaysa

Image

April 27, 2015 (GO)- Doorashada guddoonka barlamanka cusub ee Jubaland ayaa maalinta berri ah ka dhici doonta magaalada Kismaayo.

Toban murashax oo u kala tartami doona xilalka guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeennada ayaa ka qayb gelaya doorashada.

Maanta oo Isniin ah waxay murashaxiintu barlamanka ka hor aqrin doonaan khudbado ku saabsan taariikh nololeedkooda iyo waxyaabaha ay qaban doonaan haddii la doorto. Murashaxiinta ayaa kala ah sidan:

Guddoomiyaha Barlamanka:

  1. Cabdi Axmed Qaasim.
  2. Fiidow Isaaq Ibraahim.
  3. Maxamed Cali Yuusuf.
  4. Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan.

Ku-xigeenka koowaad:

  1. Cabdikariim Cilmi Jaamac.
  2. Axmed Iftiin Maxamed.
  3. Aadan Khaliif Xaaji Yuusuf.
  4. Maxamed Daahir Cabdullaahi.

Ku-xigeenka labaad:

  1. Axmed Maxamed Abuukar.
  2. Cabdi Baaley Xusseen.

Dhismaha barlamanka Jubaland oo muddo dheer qaatey ayaa waxaa weli ka taagan khilaaf. Beelaha dega Jubbooyinka qaarkood ay qaaddacay barlamanka kadib markii ay saluugeen saamiga laga siiyey xildhibaannada Jubaland oo wadartooda guud tahay 75 mudane.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM