Doorashada HirShabelle oo soo dhow xili walaaca amni darada uu kordhay

Image

JOWHAR, HirShabelle – Walwalka laga muujinayo ammmaan daradda degaanadda HirShabelle ayaa isa soo taraysa xilli ay soo dhow-dahay waqtiga doorashooyinka baarlamaanka iyo tan madaxtinimadda maamulkaas.

Soo xulista xubnaha cusub ee baarlamaanka ayaa qorshuhu yahay in ay bilaabato bisha soo aadan ee September si ay hogaanka cuusb ee dowlad goboleedkaas u doortaan bisha ku xigta ee October, 2020-ka.

Illaa iyo haatan ma muuqdo ifafaalo muujinaya u diyaar-garowga doorashooyinkaas, waxaana sababaha ugu waaweyn kamid ah nabad-gelyo la'aanta iyo xaaladaha siyaasadeed ee dalka ka jira.

Maxamed Cabdi Waare, madaxweynaha xilka haya ee HirShabelle, ayaa bilowgii sanadkan 2020-ka wuxuu hoosta ka xariiqay in aysan jiri doonin muddo kororsi uu sameysto, doorashadana xilligeeda ku dhaceyso.

Tan iyo waqtigaas, ma jiro mar kale oo uu Waare ka hadlay arrinta doorashooyinka, iyaddoo ay isa soo tarayaan tuhunka laga qabo in uu koror-siimo sameysato maadaama waqtiga kasii dhacayo.

Badi mudaneyaasha iyo wasiiradda HirShabelle ayaa ku sugan magaalooyin ay kamid Muqdisho, sabab ku aadan in aysan isku haleyn karin ammaanka degaanadooda gaar ahaan caasimada Jowhar.

Xoogaga hubeysan ee Al-Shabaab ayaa joogitaan culus ku leh magaala madaxda iyo degaanada kale ee ku hareereysan, waana mid kamid ah caqabadaha ugu waaweyn ee ku geedaaman doorashooyinka.

Wadada kaliya ee u furan xubnaha jooga Muqdisho in ay ku gaaraan Jowhar waa diyaarad, maadaama jidka isku xira Jowhar-Muqdisho ay joogitaan ku leedahay Al-Shabaab, kuna beegsatay saraakiil iyo mas'uuliyiin.

Cali Cabdullaahi Cosoble, madaxweynihii hore ee HirShabelle oo u waramay laanta Af Soomaaliga ee VOA-da, ayaa aaminsan in amni la'aanta wadadaas ay salka ku hayso "dano siyaasadeed oo gaar ah".

"Aniga waqtigii aan joogay Xildhibaannada xilligii ay doonaan ayay horay iyo gadaal u socdeen hadii ay doonaan inay Barnaamijyo dhaqaajiyaan Xamar waa ay aadi kareen, laakiin hadda waxaa ay noqotay in Xildhibaannada xayirnaadaan ilaa la helo 50 Xildhibaan oo diyaarad gaar ah kireystaan," ayuu yiri, isagoo hadalkiisa intaas raaciyey: "Waxay u muuqataa arrin siyaasadeysan oo la doonayo in lagu xakameeyo dhaqdhaqaaqa Xildhibaanadda".

Maxamed Cabdiraxmaan Khayre, wasiirka amniga HirShabelle oo difaacay maamulkiisa, ayaa amni daradaas u aaneeyay inay degaankooda u soo wareegeen Al-Shabaabkii kasoo cararay Koonfur Galbeed [KG].

Mr Khayre oo u waramay isla VOA Somali ayaa caddeeyay in ay tabasho la xiriirta arrintaas u gudbiyeen madaxda dowladda federaalka iyo AMISOM, kana rajeynayaan in wax laga qabto.

Coddeynta HirShabelle ayaa noqon doonta tartan kale oo ay ku xifaaltamaan xukuumadda oo rabta in ay danaheeda ka fushato iyo mucaaradka oo quudareynaya in aysan lamid noqon doorashooyinkii Galmudug iyo KG.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad oo loo magacaabayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda - XOG

Cali Balcad wuxuu ahaa wakiilka gaarka Madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha wadahadalka Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Ankara.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:37AM

Aadan Madoobe oo Cabsi in xilka laga qaado u furi la'yahay Gollaha Shacabka

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa ilaa hadda ka jawaabi waayay eedeymaha soo baxay.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:09AM