Doorashada oo lagu baaqay in la muddeeyo kahor doodda nooca

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ajendaha ugu horeeya ee wadahadaladda arrimaha doorashooyinka Soomaaliya 2020-21 waa in uu noqdaa goorta ay dhaceyso kahor inta aan dood adag laga gelin nooca, sidda ay ku baaqeen siyaasiyiin.

Taliyihii hore ee nabad-sugida Soomaaliya horeyna u soo noqdey Xildhibaan iyo Danjire, Cabdullaahi Maxamed Cali [Sanbaloolshe], ayaa si gaar ah wuxuu dalabkaan u hor-dhigay madaxda Puntland iyo Jubaland.

Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam ayaa caasimada Muqdisho u jooga wada-xaajoodyadaas la filayo in ay ku biiraan hogaamiyeyaasha maamul goboleedyada Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Galmudug.

Isagoo Muqdisho kaga qeybgalay qado sharaf Axada maanta ah loo sameeyay Deni iyo Axmed Madoobe, Sanbaloolshe ayaa hoosta ka xariiqay in nooca ay noqoneyso coddeynta uu go'aamin doono waqtiga.

"Nin sharciga ilaalinaya dowladnimada culeys kuma ahan, labadiinaba [Axmed Madoobe iyo Saciid Deni] sharcigaad ilaalineysaan, sinaantaad ilaalineysaan; waadna ku mahadsan tihiin; doorashada laga hadli doono hadii Ilaahey yiraahdo see loo qabanaa haka bilaabininee, goormaa la qabanaa ka bilaaba, waqtiga. Annaga waqtigaa noo muhiimsan, nooma muhiimsana sidda loo qabanayo waqtigaana go'aaminaya sidda loo qabanayo; goormee bilaabanee, goormee dhamaanee meeshaas ha laga bilaabo," ayuu tilmaamay.

Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynihii 8aad ee Soomaaliya oo munaasabada ku sugnaa, ayaa xoojiyey soojeedinta ka timid Sanbaloolshe.

"Doorashada waqtigii in laga soo shaqeeyo ay ahayd way soo gudubtay, waa laga soo daahay, mar hore ayay ahayd in shaqadeeda lasoo bilaabo oo laga shaqeeyo waa la gaari karay barkee li anahuu wax badan waa soo dhismeen wax bandanna waa dhiman yihiin, laakiin xoogaa dib u dhacaa nooga jiro 15-ka October waxaan u maleynaa waa la joogaa, marka aniga waxaan kusii kabaa oo kaliya warkii Sanbaloolshe oo ahaa warka doorashada ha laga bilaabo date-ka doorashada la fix-gareeyo horta, maalinta doorashada dhaceyso hala sheego, markii la sheego doorasho noocee ayaan qaban karaa maalintaas wixii ka horeeya, markaas ayay sahlan tahay in laga hadlo, laakiin hadii doorasho noocee ayaan qabaneynaa laga hadlo, ma dhamaato waaye," ayuu hoosta ka xariiqay.

Muddo xileedka baarlamaanka haatan jooga ee Soomaaliya ayaa dhamaanaya bisha November ee sanadkan 2020, halka madaxweynaha uu ka dhacayo Febraayo, 2021, taasoo ka dhigan in waqti badan uusan harin.

Villa Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay si ku talogal ah dib ugu dhigtay magacaabida ra'iisul wasaaraha cusub si ay ugu hesho muddo dheereysi sharci daro markii qaab muran dhaliyey lagu eryay Xasan Cali Khayre.

Doorashooyinka 2020-21 ayaa wuxuu horey qorshuhu u ahaa in ay noqdaan qof iyo cod, balse waxaa la isku waafaqay in aysan qabsoomin karin, iyaddoo ay miiska saaran yihiin noocyo badan oo hogaamiyeyaasha ay ka heshiin doonan.

GAROWE ONLNE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM