​Doorashada Somalia oo markale dib loo dhigay

Image

MUQDISHU, Somalia- Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Somalia Michael Keating, ayaa sheegay in dib loo dhigay Doorashada Madaxweyne ee dalka Somalia, oo la filayay inay dhacdo 30-ka Bishan November.

Isagoo Wareysi siinayay Barnaamijka BBC Focus On Africa, ayuu Mr Keating sheegay in Xildhibaanada Aqalka Sare iyo kan hoose Doorashadooda qaadatay wati badan, walina aan la dhamaystirin.

Ergayga QM ee Somalia Michael Keating ayaa xusay in 275-ta Xilddhibaan ee Baarlamaanka Cusub macquul tahay inay doortaan Madaxweyne marka la gaaro bisha soo socota ee December 15-da.

"Culeyka waxaa la saarey Doorashada Xildhibaanada Labada Aqalka ee Baarlamaanka, waxaana wali socdo Doorashadooda, marka Rajo lagama qabo in Waqtigii lagu balamay oo ah 30-ka November la doorto Madaxweynaha," Ayuu yiri Mr Keating.

Illaa hadda waxaa la doortay 50% Xildhibaanada Aqalka Hoose, iyadoo Doorashada ay socoto mudo Hal Bil ah, waxaana maamulada qaar ka taagan Khilaaf iyo Is-qab-qabsi.

Waa markii 5-aad oo dib u dhac ku yimaado Jadwalka Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, xilli dalka aan ka jirin dowladda Sharciyad leh iyo Madax shaqeysa.

Beesha Caalamka ayaa dhowr jeer oo hore ka digtay inay dib u dhacdo Doorashada Somalia, waxaana sidoo kale walaac ka muujiyeen Musuq-maasuqa, Caga-juglaynta iyo Sed-bursiga Doorashada Aqalka hoose ee Baarlamaanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM

Duulimaadyadii ugu horreeyay ee xujeyda Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sucuudiga

Maamulka garoonka Maddiina ayaa sheegay in habraacyada gelitaanka xujeyda Soomaaliyeed loo fuliyay si hufan.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 11:20AM