Doorashada xubnaha Somaliland oo Muqdishu ka bilaabatay
MUQDISHU, Somalia- Doorashada xubnaha Beelaha Somaliland u matalaya Barlamanka Federaalka Somalia, ayaa dib uga billaabatay magaalada Muqdishu, kadib markii maalmo loo hakiyay Khilaaf iyo Faragelin.
Kulan shalay magaalada Muqdishu ku yeesheen Guddiga Doorashada Heerka Federaal iyo kuwa heer maamul goboleed [Somaliland], ayaa lagu go'aamiyay in dib loo billaabo Doorashada Aqalka hoose ee Beelaha Waqooyi.
Soo xulista xubnaha oo ka socoto xarunta Gaadiidka Booliska ee degmada Cabdicaciis ayaa waxaa Guddiga Doorashada uu shaaciyay in maanta la dooran doono Lix Kursi oo kamid ah Xubnaha Aqalka hoose.
Waxaa soo idlaatay doorashada lixdaas kursi, waxaana kusoo kala baxay murashaxiinta kala ahaa;
Faadumo Ismaaciil, oo heshay 47 cod
Cusmaan Cilmi Boqore, oo helay 25 cod
Ismaaciil Cabdiraxmaan Bashiir, oo helay 33 cod
Qadro Maxa'ed Tukaale, oo heshay 25 cod
Suuri Diiriye Carab, oo heshay 38 cod
Cabdiraxman Axmed Suge, oo helay 24 cod.
Doorashadan, ayaa timi xilli aan wali lasoo dhammaystirin xubnaha ka imaanaya gobollada Waqooyi xilli waqti loo asteeyay doorashada Somalia aan wali la caddayn maadam ay dib uga dhacday xilligii horay loogu asteeyay.
GAROWEONLINE