​Doorashada xubnaha Somaliland oo Muqdishu ka bilaabatay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Doorashada xubnaha Beelaha Somaliland u matalaya Barlamanka Federaalka Somalia, ayaa dib uga billaabatay magaalada Muqdishu, kadib markii maalmo loo hakiyay Khilaaf iyo Faragelin.

Kulan shalay magaalada Muqdishu ku yeesheen Guddiga Doorashada Heerka Federaal iyo kuwa heer maamul goboleed [Somaliland], ayaa lagu go'aamiyay in dib loo billaabo Doorashada Aqalka hoose ee Beelaha Waqooyi.

Soo xulista xubnaha oo ka socoto xarunta Gaadiidka Booliska ee degmada Cabdicaciis ayaa waxaa Guddiga Doorashada uu shaaciyay in maanta la dooran doono Lix Kursi oo kamid ah Xubnaha Aqalka hoose.

Waxaa soo idlaatay doorashada lixdaas kursi, waxaana kusoo kala baxay murashaxiinta kala ahaa;

Faadumo Ismaaciil, oo heshay 47 cod

Cusmaan Cilmi Boqore, oo helay 25 cod

Ismaaciil Cabdiraxmaan Bashiir, oo helay 33 cod

Qadro Maxa'ed Tukaale, oo heshay 25 cod

Suuri Diiriye Carab, oo heshay 38 cod

Cabdiraxman Axmed Suge, oo helay 24 cod.

Doorashadan, ayaa timi xilli aan wali lasoo dhammaystirin xubnaha ka imaanaya gobollada Waqooyi  xilli waqti loo asteeyay doorashada Somalia aan wali la caddayn maadam ay dib uga dhacday xilligii horay loogu asteeyay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM