Doorka NISA ee sii deynta dhaqaatiir u afduubnaa Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay'adda Nabad Sugida Soomaaliya ee NISA ayaa wadahadal la gashay Al-Shabaab, iyadoo ka wakiil ah dowladda Cuba si loo sii daayo laba dhaqtar oo April 2019 laga soo afduubay magaaladda Mandheere.

Sarkaal katirsan NISA oo la hadlay AP, isagoo magaciisa ka gaabsaday ayaa sheegay dowladda Cuba ay waydiisatay taliska Nabad Sugida inuu wada-xaajood kala galo Al-Shabaab dhaqaatiirta dib usoo celintooda.

Kahor inta uusan wadahadalka billaaban, waxuu Sarkaalka sheegay in billooyin kahor Al-Shabaab usoo dirtay NISA muuqaal ay ku xaqiijnayso in labada dhaqatar ay gacanteeda ku jiraan, islamarkaana ay bad-qabaan.

Al-Shabaab ayaa markii hore dalbatay $1.5 million, si ay usoo dayso howlwadeena Caafimaad, kuwaasoo mudo hal sano iyo bar ahaa la haystiyaal lagu hayay Koonfurta dalka Soomaaliya. Lama oga lacagtaas in la siiyay Kooxda, maadaama ay sii daysay dhaqaatiirta.

Wasiirka arrimaha dibadda Cuba, Bruno Rodríguez ayaa maalmo kahor sheegay inuu xiriir dhanka Taleefonka ah lasoo sameeyay dhigiisa Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, oo uga mahadceliyay kaalinta dowladda Federaalka ka ciyaarayso sii deynta dhaqaatiirka.

Labada dhaqtar oo lagu kala magacaabo Herrera iyo Rodriguez ayaa qeyb ka ahaa 100 dhaqtar oo Cuba usoo dirtay Kenya 2018 kadib markii ay labada dowladood kala saxiixdeen heshiis dhinaca Caafimaadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM