Dowlada Federaalka oo xaqiijisey geerida sarkaal ka tirsan Al-shabab

Image

February 4, 2015 (GO)- Hay'adda Nabad-sugidda ee Dowlada Federaalka (NISA) ayaa xaqiijisey in sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda Al-shabaab lagu diley duqeyn diyaaradaha Maraykanku Sabtidii lasoo dhaafay ka geysteen duleedka degmada Diinsoor ee gobolka Bay.

War-saxaafadeed ka soo baxay NISA ayaa lagu sheegay in weerarka oo dhacay January 31, 2015 abaaare 5:00tii galabnimo ee saacadda Geeska Afrika lagu diley Cabdinuur Mahdi.

Ninkaas oo sidoo kale ku magac dheeraa Yuusuf Dheeg, wuxuu sida war-saxaafadeedka lagu sheegay ahaa madaxa sirdoonka iyo hawlgallada gudaha ee Al-shabab.

"Cabdi Nuur Mahdi, oo kooxda Shabaab u taqaanay ( Yuusuf dheeg),oo sidoo kale isticmaala magacyo kale, oo ay wehliyeen Horjooga yaal kale ayaa la xaqiijiyay ineey ku geeriyoodeen Duqeyn xaga cirka ah oo ka dhacday meel u dhow dagmada  Diinsoor" ayaa war-saxaafadeedka lagu yiri.

Dowladda Maraykanka ayaa bilihii u dambeeyey waxay kordhisey duqeymaha diyaaradaheeda bilaa duuliyaha ahi ka geysanayaan koonfurta Soomaaliya ee lagu bartilmaameedsanayo madaxda sare ee kooxda Al-shabaab. 

September 1, 2014 duqeyn Maraykanku ka geystey deegaanka Haawaay oo ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose, waxaa lagu diley hoggaamiyihii hore ee Al-shabab Axmed Cabdi Godane.

December 29, 2014 duqeyn kale oo diyaaradaha Maraykanku ka fuliyeen deegaanka Saakow ee gobolka Jubada Dhexe, waxaa lagu diley labo sarkaal oo ka tirsanaa hoggaanka ururka Al-shabaab. Labada nin midkood waxaa lagu magacaabi jirey Cabdinaasir Xasan Barakow Tahliil. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Garaad Jaamac iyo Suldaan Siciid oo Si Kulul u Diidey Shirka Laascaanood

Garaad Jaamac Garaad Cali oo si toos ah ula hadlay shacabka ayaa sheegay in shirka….

  • Soomaliya

    12-07-2025

  • 02:00AM

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya

Sidoo kale, Dowladda Ingiriiska ayaa Dowladda Puntland ku wareejisay deeq isugu jirta daawooyin iyo agab caafimaad.

  • Soomaliya

    10-07-2025

  • 02:57PM