Dowlada Federaalka Somalia oo ka warbixisay Cabdimaalik Jones

Image

Dec 9,2015 (VOA}- Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay nin Mareykan ah oo lagu magacaabo Cabdimaalik Cabdisamad Jones oo isku soo dhiibay kadib markii uu kasoo baxsaday kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini, oo Muqdisho shir jaraa’id ku qabtay, ayaa sheegay in ninkan uu ka yimid magaalada Baltimore ee gobolka Maryland ee dalka Mareykanka, sida isaga laga soo xigtay.

Wasiirku waxa uu sheegay in Jones uu mas’uliyiinta dowladda u sheegay inuu muddo 4 sano ah ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, loona yaqaanay Khaliil.

Diini ayaa sidoo kale sheegay in ninkan uu sheegay inuu markii hore Soomaaliya kasoo galay deegaanka Dhoobley ee xuduudda Kenya, intii uu la joogay Shabaab-na uu guursaday gabdho Soomaaliyeed.

Shirka jaraa’id ee wasiirka waxaa warbixintan nooga soo diray Xasan Kaafi Qoyste. 

HALKAN KA DHAGEYSO WARBIXINTA SHIRKA JARAA'ID

VOA

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM