DF Soomaaliya oo dib u soo celisay beegsiga mas'uuliyiinta Jubaland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay dib u soo celisay in ay garoonka diyaaradaha Muqdisho ku beegsato mas'uuliyiinta Jubaland xilli khilaafka labada dhinac uu mar kale soo cusboonaadey.

Saraakiisha madaarka Aadan Cabdulle Cismaan ayaa lagu waramay in Axada maanta ah ay muddo saacado ah xanibeen Agaasimaha Madaxtooyada Jubaland, Axmed Abshir oo kusii jeeday caasimada Kenya ee Nairobi.

Sidda ay tusinayaan warbixinada, Abshir oo ku jiray wafdiga madaxweyne Axmed Madoobe ee caasimada u yimid wadahadalka doorashada ayaa lagu wargeliyey in ay dooneyso Hay'ada Nabad-sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya.

Fahfaahinta ayaa intaas ku dareysa in Abshir loo sheegay in Baasaboorkiisa diblumaasiga ee Soomaaliga uu ku jiro "Liis-madow" oo mas'uuliyiin ka tirsan Jubaland ay horey ugu dartay dowladda hogaamiye Farmaajo.

"Mas'uulka Jubaland wuxuu kalkaas kadib lasoo baxay Baasaboor ajnabi ah oo uu watay. Saraakiishii ayaana isla waqtigaas u sheegtay in ay dooneyso NISA, arrintaasoo meesha ka dhalisay muran keentay in ugu dambeyntii ay soo farageliyaan wasiiro ku sugnaa garoonka," ayay sheegeen goobjoogeyaal kala duwan oo garoonka ku sugnaa lana hadlay Garowe Online.

Agaasime Abshir ayaa dood dheer kadib waxaa loo ogolaadey in uu sii wato safarkiisa, hasayaashee, waa goor ay ka tagtay diyaaradda raaci lahaa.

Jubaland iyo Villa Soomaaliya ayaa isku-maan-dhaafsiisan arrimo ay kamid yihiin gobolka Gedo halkaasoo xukuumadda waqtiga kasii dhacayo geysay ciidamo ka amar-qaata Muqdisho, balse Kismaayo ay ka gadoodsan tahay.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa todobaadkii hore wuxuu si cad u sheegay in aysan Gedo ka qabsoomi karin doorasho illaa ciidankaas laga saaro. Xarunta gobolka ee Garbahaarey waa degaan doorashada labaad.

Wasiirka amniga Jubaland, Cabdirashiid Janan, iyo mas'uuliyiin kale oo maamulka Axmed Madoobe kamid ah ayay dowladda horey ugu xayirtay garoonka Muqdisho, waxaana qaarkood ay maalmo u taxaabtay xabsi.

Xisbiyada mucaaradka iyo siyaasiyiin ayaa hab-dhaqankaas ku qeexay "afduub iyo in dowladda ay hawada u adeegsaneyso hub siyaasadeed ahaan si ay cadaadiska ugu kordhiso dhinacyada ay is-hayaan oo Jubaland ay ku jirto".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM