Dowlada Uganda oo dib u bilaabeysa talaabooyin ay kawaday Soomaaliya

Image

KAMPALA, Uganda – Taliska Milatariga waddanka Uganda ayaa shaaciyey in uu dib u bilowdey isbedelka ciidamadda ay u diraan Soomaaliya afar bilood kadib markii ay u joojiyeen sabab la xiriirta safmareenka Coronavirus.

David Muhoozi, taliyaha guud ee ciidamadda Kenya, ayaa sheegay in taliskooda iyo howlgalka AMISOM ay qaadeen talaabooyin looga hortagayo faafitaan horleh oo caabuqaan uu ka dhex-sameeyo gudaha xerooyinkooda.

Balse ma uusan fahfaahin talaabooyinkaas uu ka dhawaajiyey in ay sahlayaan in ciidamadooda ay ka badbaadaan halista aafadan caalamiga ah.

Khamiistii, taliye Muhoozi ayaa sagootiyey 1,800 askari oo ka tirsan Guutada 30aad ee ciidamadda difaaca Uganda kuna sii jeeda Soomaaliya.

"Askartaan fadhigoodu ahaa Singo, bartamaha degmadda Nakaseke waxaa ay isugu jiraan cabqariyiin iyo ciidamo tababaran," ayuu raaciyey.

Bishii May ee sanadkan ayay ahayd markii Uganda iyo AMISOM ay isku raaceen hakinta daabulitaanka ciidamada si loo xakameeyo Covid-1. Xukuumada Kampala waxay sidoo kale joojisay in ay ciidan u dirto Equatorial Guinea.

Uganda ayaa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya waxay ku leedahay askar tiradooda ay gaareyso 6,000 kuwaasoo badankooda ku sugan gudaha iyo nawaaxiga Muqdisho, halka ay Equatorial Guinea ka joogaan 100.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM