Dowladaha iyo shirkadaha daneeya shidaalka Soomaaliya oo loo digay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madasha Xisbiyadda Qaran oo ka walaacsan "qaabka mugdiga ah" ee loo maareynayo kheyraadka Soomaaliya ayaa uga digtay shirkadaha caalamiga iyo dowladaha "in ay ku deg-degaan iibka".

Sidda laga soo xigtay bayaan kasoo baxay madasha, walaaca iyo digniinta ayaa si toos ah ula xiriirta maadaama muddo xileedka dowladda haatan ka arimineysa waddanka uu gabaabsi qarka u saaran yahay.

"Maadaama dowladdu ku jirto xilli doorasho, waxaa halis ah in wax walba oo dowladda gacanteeda gala ay u isticmaali karto ololaha doorashadda taagan," ayaa lagu yiri qoraalka uu arkay Garowe Online.

War-saxaafadeedka ayaa farta ku fiiqay in aan wali la aas-aasin Hay'adda Batroolka Soomaaliyeed oo fulin lahayd howlaha la xiriira shidaalka iyo baarlamaanka oo aan ansixin Heshiiska Wadaaga.

"Sidaas darteeda, madashu waxay uga digeysaa dowladda federaalka Soomaaliya, shirkadaha iyo dowladdaha ku lugta leh ama daneeya soo saaritaanka Shidaalka Soomaaliya in aysan ku deg-degin gelida heshiis gadashada Xirmooyinka shidaal waqtigaan kala guurka ah isla markaana aysan dhisneyn hay'addihii sharcigu tilmaamayey in ay maamulaan howlaha shidaalka," ayaa lagu soo gabagabeeyay warka qoraalka ah oo Talaada maanta ah soo baxay.

Xukuumadda federaalka ah dhowaan ayaa ku dhawaaqday in bisha soo aadan ee August ay bilaabeyso tartanka todoba xirmo shidaal isla markaana uu socon doono illaa iyo bisha Maaj ee sanadka dambe 2021.

Xirmooyinkaas ayaa ku kala yaala maamul goboleedyadda kala ah; Jubbaland, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Galmudug; Puntland oo gabi ahaanba qaadacday habkan waxay si lamid ah horey ugu digtay shirkadaha.

Falanqeeyeyaasha oo su'aallo ka keenay sababta dowladda xilligaan ugu soo beegtay iib-geynta saliida ayaa ku doodey in aysan ahayn "waqti munaasab ah maadaama qiimaha uu hooseeyo safmareenka Coronavirus awadiisa".

BAYAANKA MADASHA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Maraykanku Wuxuu Joojinayaa Duqeymaha Xuutiyiinta Kadib Markii Heshiis La Gaaray

Ciidamada Israel ayaa Talaadadii weerar cirka ah ka fuliyay garoonka diyaaradaha caalamiga…

  • Soomaliya

    06-05-2025

  • 04:56PM

Shir Ka Furmay Muqdisho Iyadoo aanay Ka Qaybgelin Puntland iyo Jubbaland

Shirkan waxaa diiradda lagu saarayaa arrimo muhiim ah sida amniga qaranka, horumarka dhaqaale, iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab

  • Soomaliya

    06-05-2025

  • 02:36PM