Dowladda Federaalka oo ka warbixisey khasaarihii weerarka

Image
Image
Image
Image

March 28, 2015 (GO)- Wasiirka Warfaafinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka warbixiyey khasaaraha ka dhashay weerar qaatey muddo 15 saac ku dhow oo Al-shabaab kusoo qaaddey hoteelka Maka Al-mukarrama ee magaalada Muqdiso.

Wasiirka oo saxaafadda la hadlay waxyar kaddib markii uu soo gaba gaboobey hawlgalkii ciidamadu kula dagaalamayeen kooxdii weerarka soo qaaddey, wuxuu sheegay inay dhinteen 20 qof oo isugu jira todoba rayid ah, saddex kamid ahayd ilaalada hoteelka, afar askari iyo lix kamid ah kuwii weerar fuliyey.

Marka laga yimaado sheegashada dowladda ee ah inay dishey lix kamid ah kooxdii weerarka fulisey, waxaa warbaahinta loo soo bandhigey meydadka saddex kamid ah dagaalyahannada Al-shabaab ee hoteelka Maka Al Mukarrama soo weeraray.

Wasiirka Wafaafintu wuxuu sidoo kale sheegay in ciidamada ammaanku soo badbaadiyeen in ka badan konton qof oo isug jirey mas'uuliyiin dowladda ka tirsan, dad kale oo hoteelka degenaa iyo qaar kamid ah shaqaalihii hoteelka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM