Dowladda federaalka oo ku goodisay in aysan aqoonsan doonin doorashada Jubaland

Image
Kismaayo ayaa lagu waddaaa in 25-ka bishan ay ka dhacdo doorasho la filayo inuu Axmed Madoobe kusoo laabto.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku gacan seyrtay doorashada ka socota Jubaland, iyadoo ku eedeysay hoggaanka maamulkaas inay wax isdaba marin ku sameeyeen si ay u sii wataan awooddooda.

Doorashada hoggaanka oo ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa mar kale dib loo doortay xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland oo ay saaxiibo dhow yihiin Madaxweyne Axmed Madoobe oo si weyn loo saadaalinayo inuu sii hayn doono xilka madaxtinimo ee maamulka, taasoo la filayo inay dhacdo 25-ka bishan November.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa hannaankan ku tilmaamay “mashruuc tiyaatar” wuxuuna sheegay in Muqdisho aysan aqoonsan doonin natiijada kasoo baxda.

“Dowladda Federaalka waxaa ka go’an in Soomaaliya ay ka baxdo doorasho dadban oo ku saleysan qabiil, una gudubto nidaamka hal qof iyo hal cod. Ma aqbali karno natiijada mashruucan masraxa, kaas oo ka hor imaanaya mabaadi’da dowladnimo loo dhan yahay,” ayuu yiri.

Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa horay u diiday hanaanka doorashada oo uu ku tilmaamay mid aan waafaqsaneyn dastuurka dalka, isagoo ku eedeeyay Madoobe inuu awood isku  koobay, isla markaana uu wiiqayo dadaallada lagu doonayo in Soomaaliya loogu wareejiyo doorasho loo dhan yahay.

"Falalka Jubbaland waxay jebinayaan ballan-qaadyadii la sameeyay intii uu socday Golaha Wadatashiga Qaran (NCC) ee ahaa in la sameeyo qaab doorasho oo mideysan," Barre ayaa yiri, isagoo ku celceliyay in Dowladda Federaalka ay riixeyso nidaamka hal qof iyo hal cod.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM