Dowladda federaalka oo ku goodisay in aysan aqoonsan doonin doorashada Jubaland

Image
Kismaayo ayaa lagu waddaaa in 25-ka bishan ay ka dhacdo doorasho la filayo inuu Axmed Madoobe kusoo laabto.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku gacan seyrtay doorashada ka socota Jubaland, iyadoo ku eedeysay hoggaanka maamulkaas inay wax isdaba marin ku sameeyeen si ay u sii wataan awooddooda.

Doorashada hoggaanka oo ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa mar kale dib loo doortay xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland oo ay saaxiibo dhow yihiin Madaxweyne Axmed Madoobe oo si weyn loo saadaalinayo inuu sii hayn doono xilka madaxtinimo ee maamulka, taasoo la filayo inay dhacdo 25-ka bishan November.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa hannaankan ku tilmaamay “mashruuc tiyaatar” wuxuuna sheegay in Muqdisho aysan aqoonsan doonin natiijada kasoo baxda.

“Dowladda Federaalka waxaa ka go’an in Soomaaliya ay ka baxdo doorasho dadban oo ku saleysan qabiil, una gudubto nidaamka hal qof iyo hal cod. Ma aqbali karno natiijada mashruucan masraxa, kaas oo ka hor imaanaya mabaadi’da dowladnimo loo dhan yahay,” ayuu yiri.

Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa horay u diiday hanaanka doorashada oo uu ku tilmaamay mid aan waafaqsaneyn dastuurka dalka, isagoo ku eedeeyay Madoobe inuu awood isku  koobay, isla markaana uu wiiqayo dadaallada lagu doonayo in Soomaaliya loogu wareejiyo doorasho loo dhan yahay.

"Falalka Jubbaland waxay jebinayaan ballan-qaadyadii la sameeyay intii uu socday Golaha Wadatashiga Qaran (NCC) ee ahaa in la sameeyo qaab doorasho oo mideysan," Barre ayaa yiri, isagoo ku celceliyay in Dowladda Federaalka ay riixeyso nidaamka hal qof iyo hal cod.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: Booqashada Xamse ee Laascanood waa "Weerar" Ka Dhan ah Somaliland

Si kastaba ha ahaatee, madaxda Somaliland ayaa si joogto ah uga digaya in Soomaaliya ay si toos ah u faragelisay arrimaha gudaha ee Somaliland.

  • Soomaliya

    20-04-2025

  • 09:24AM

Ciidamada Puntland oo Howlgallo Waaweyn kawada Buuraha Calmiskaad

Puntland ayaa muddo dheer ku guulaysatay inay ka hortagto kooxda ISIS iyo kuwa Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    20-04-2025

  • 08:59AM