Jabuuti: Lacagta gurmadka Beledwayne waxaan bixinay 7 bil kahor

Image

MUQDISHO, Soomaaliya — Dowladda Jabuuti ayaa waxay soo gabagabeysay muranka soo rogaal-celiyey ee ku saabsan lacagta gurmadka Beledwayne kadib markii ay shaacisay in ay bixisay todoba [7] bilood kahor.

Aduun lacageed dhan 600-kun oo Doolar ayay Jabuuti ku deeqday dadka ay saameynta kasoo gaartey fatahaadaha xarunta gobolka Hiiraan oo ay ku sugan yihiin ciidamadeeda qaybta ka ah taliska AMISOM.

Danjiraha Jamhuriyada Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Aadan Xasan Aadan [Belello] ayaa xaqiijiyey in lacagtaas ay ku wareejiyeen Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee xukuumada federaalka.

"Sidda uu waajibka yahay waa sidaas, annaga in aynu maamulno ma ahan waajibkeena wixii gargaar ah, walaalaheena kalsooni weyn ayaanu qabnaa in shacabkooda wixii loogu dhiibay in ay gaarsiinayaan, haddii aaney wali gaarin, malaha iyaggaa ugu fara-dhuudhuuban. Nina jirkiisa biyo kama dhowro," ayuu ku sheegay wareysi uu siiyey idaacadda VAO-da.

Hadalka Jabuuti ayaa kusoo hagaagay xilli Guddiga Gurmadka Beledwayne uu 7-dii bishaan banaanka soo dhigay in aysan wali helin lacagta.

Wallow uu ka gaabsaday in uu caddeeyo mowqifkiisa ku aadan sidduu u arko dib-u-dhaca ku yimid wareejinta lacagtaas, Mr Belello ayaa meesha ka saarey in ay "rajo xumo iyo niyad-jab" ku abuureyso dowladiisa.

Shalay ayay ahayd markii Maxamed Cabdi Waare, madaxweynaha HirShabelle, uu sheegay in ay soo gaartay dhamaan deeqihii gurmadka Beledwayne, taas oo u muuqata in ay jawaab u tahay eedeymo loo jeediyey.

"Waxaa maanta 10/5/2020 naga soo gaaray Dawladda Federalka Soomaaliya: $600,000 Dawladda Jabuuti Hiil Walaal, $500,000 Dawladda Federalka Somaliya , $42,000 Guddiga Gargaarka Heer Qaran oo loogu talogalay fatahaadda Shukran @M_Farmaajo, @HassanAKhaire iyo @IsmailOguelleh," ayuu Waare kusoo qoray bogga uu ku leeyahay mareegaha Twitter-ka.

Sikastaba ha ahaatee, su'aasha haatan meesha taala ayaa waxay tahay sababta keentay dib-u-dhaca intaas la eg iyo cidda xayiraadaas ku sameysay. Jawaabahaas waxaa looga fadhiyaa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo hawlgal ballaaran ka fulinaya godadka Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada Puntland ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku guuleystay inay yareeyaan saamaynta iyo firfircoonida kooxda ISIS.

  • Soomaliya

    08-06-2025

  • 11:06AM

Soomaaliya oo Wajahaysa Marxalad Xasaasi ah iyadoo aan Laheyn Waddo Cad oo Doorashada ah

Arrintan ayaa sare u qaadday walaaca laga qabo xasilloonida siyaasadeed iyo kala-guurka dimoqraadiyadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    05-06-2025

  • 02:53PM