Dowladda oo gaadiid aysan rasaastu karin ka dejisay Gedo

Image
Image
Image
Image

DOOLOW, Jubaland - Diyaarad qaas ah ayaa magaalada Doolow ee gobolka Gedo waxay ka dejisay gaadiid nooca aysan rasaastu karin oo afka qalaad loogu yeero Bullet-proof.

Sidda ay wararku sheegayaan, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee muddo xileedkeeda dastuuriga ah uu dhamaadey ayaa Doolow ku daabushay gaadiidkaas.

Ma cadda sababta dhabta ah ee halkaas loogu daad-gureeyay gaadiidkan. Mas'uuliyiinta labada dhinac wali fahfaahin rasmi ah kama aysan bixin talaabaddan.

Balse, waxay timid xilli warar soo baxayay gelinkii hore ee maanta ay sheegayeen in wadahadalo u socdo dowlada iyo Cabdirashiid Janan, wasiirkii amniga Jubaland.

Janan oo u waramay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa daaha ka rogay in wadaxaajoodyaddu u socdaan, balse wuxuu beeniyay in ay gaareen is-afgarad kama dambeys ah.

Illo wareedyo ku dhow labada dhinac ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in wadahadaladda ay marayaan heer gabagabo ayna Farmaajo wakiil ka tirsan saraakiil sar-sare.

Jubaland iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa isku haya gacan ku haynta gobolka Gedo, waxaana arrintaas ay xudun u tahay khilaafka ka taagan doorashooyinka qaranka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Nairobi uga shiraya khilaafka doorashooyinka

Golaha ayaa la filayaa inuu ka arrinsado tallaabooyinka uu ka qaadayo qorshaha doorashooyinka ee dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 09:40AM