Dowladda oo sheegtay inay dambi galeen wariyaasha la xiray [Dhagayso]

Image

04 Octobar, 2015(GO)-Dowladda Somalia ayaa ka hadashay xarigga loo gaystay wariyaal ka tirsan Tv-ga Universal oo dhawaan lagu xiray magalada Muqdishu xarunta Somalia.

Wasiiru-dowlaha wasaaradda warfaafinta Somalia Maxamed Cabdi Xasan Beekoos oo shir jara'id ku qabtay Muqdishu ayaa tilmaamay in wariyaashu dambi ka galeen Xukuumadda Somalia iyagoo baahiyay barnaamij iyaga ka dhan ah.

Ciddii dambi gasha ayuu agaasimuhu sheegay inuusan sharcigu cafin doonin, waxaana uu ku dhaliilay barnaamijkaasi inaan laga qayb galin cid difaacda xukuumadda xilliga doodu socotay.

02 Octobar, 2015 ayaa la xiray Agaasime Cabdullaahi Xirsi Kulmiye iyo wariye Cawil Daahir Salaad.

Xildhibaanada dooda ka qayb galay oo la hadlay BBC-da ayaa tilmaamay inaysan sharci ahayn xarigga shaqaalaha Universal, isagoo tilmaamay inay ka hadleen xaqiiqooyin jira.

Ra'isal wasaarihii hore ee Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dowladda Somalia usoo jeediyay inaysan caburin saxaafadda, kana xunyihiin falka xukuumadda Somalia ku dhaqaaqday.

Maaha markii ugu horeysay ee xarunta Somalia xabsiga la dhigo wariyaal ka howl gala Muqdishu, waxaana falkan imaanayaa xilli DFS lagu dhaliilay inay ka gaabisay waxqabadkii looga baahnaa mudda uu xafiiska joogay Madaxweyne Xassan Sheekh.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM