Dowladda Puntland iyo Turkiga go’aan rasmi ka gaaray kiiskii MV Sea World

Image
Image
Image
Image
Image
Image

Boosaaso, Soomaaliya – Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Isniinta Maanta ah magaalada Boosaaso kulan muhiim ah kula qaatay Danjiraha Dowladda Turkiga ee Soomaaliya, Mr. Alper Aktaş, iyo wafdi uu hoggaaminayo, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Puntland iyo Dowladda Turkiga, iyadoo si gaar ah loo falanqeeyay arrinta markabka MV Sea World, kaasoo dhowaan muran dhaliyay kadib markii laga qabtay xeebaha Puntland.

“Kadib baaritaanno rasmi ah oo lagu sameeyay caddeymaha muujinaya in shixnadda saaran markabkaasi ay si sharci ah u leedahay Dowladda Turkiga, Puntland waxay go’aansatay in ay mas’uuliyadda markabka iyo alaabta saaran ku wareejiso Dowladda Turkiga,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka rasmiga ah ee kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.

Safarka Waftiga Dowladda Turkiga ayaa daba socday xiriir muddo u dhexeeyey Dowladda Puntland iyo Turkiga oo la xariira Markabka MV Sea World iyo shixnadda saaran, iyadoo Dowladda Turkiga ay la wadaagtay Dowladda Puntland cadeymaha in ay leeyihiin dhammaan hantida saaran.

Kulankan ayaa sidoo kale ka tarjumaya xiriirka xooggan iyo iskaashiga joogtada ah ee Puntland la leedahay dowladda Turkiga, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, amniga, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Wafdiga Turkiga ayaa dhankooda uga mahadceliyay Puntland sida masuuliyadda leh ee ay ula dhaqantay arrinta markabka, iyagoo ballanqaaday sii xoojinta taageerada ay siiyaan maamulka Puntland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM