Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Garoowe : 16 April 2026: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada Dowladda Puntland.

* Goluhu wuxuu ka hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan marxlada hubanti la’aanta ah ee dalku galay, kadib markii uu wakhtigii rasmiga ahaa ee Baarlamaanka Soomaaliya uu dhammaaday 14-kii April 2026, iyadoo uusan jirin wax-heshiis lagu yahay.

* Goluhu wuxuu ugu baaqayaa Madaxweynaha Soomaaliya ee wakhtigiisu dhammaanayo, in mudada Bisha ah ee u hartay uu garowsado sidii heshiis loo dhanyahay loo gaari lahaa si dalka ay uga dhacdo Doorasho la isla wada ogolyahay.

* Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka, Qorshuhu wuxuu yahay in mustaqbalka fog Dowladda Puntland ay gaarto isku-filnaansho dhinaca adeegyada caafimaadka ah.

* Goluhu wuxuu Warbixin ka dhegaystay Wasiirada Wasaaradaha Cadaaladda , Amniga, Arrimaha Gudaha, Deegaanka, Qorsheynta , Howlaha Guud iyo Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha.

-DHAMMAAD-

Related Articles

Shacab ku sugan Koonfur Galbeed oo gubay calanka Turkiga, iyagoo ka careysan duqeymo

Si kastaba, Turkiga si rasmi ah uma xaqiijin inuu mas'uul ka ahaa duqeymaha dhowaan laga soo sheegay deegaannada ku dhow Baydhabo.

  • Soomaliya

    16-08-2026

  • 09:34AM

Maxkamadda Racfaanka Banaadir oo Sacdiya Bajaaj xorriyaddeeda dib ugu celisay

Go’aanka Maxkamadda Racfaanka ayaa ugu dambeyn meesha ka saaray xukunkii saddexda sano ahaa.

  • Soomaliya

    12-08-2026

  • 02:21PM