Dowladda Sierra Leone oo ciidamo boolis ah u soo direysa Soomaaliya

Image

FREETOWN, Sierra Leone – Taliska ciidamadda booliska waddanka Sierra Leone ayaa shaaca ka qaadey in ay Soomaaliya u soo diyaarayaan 160 sarkaal bileys ah, kuwaasoo laba qeybood u soo kala duuli doono.

Qeybta koowaad oo ka kooban 80 waxaa lagu wadaa in ay soo dhoofaan 6-da September, halka qeybta labaad ay soo ambabixi doonan 29-ka isla bishaan, sidda ku xusan qoraal kasoo baxay taliska.

Cutubyadan cusub ayaa bedeli doono 160 kale kuwaasoo haatan ku sugan Soomaaliya kana mida howlgalka Midowga Afrika ee nabad-ilaalinta Soomaaliya loona soo gaabiyo magaciisa AMISOM.

Saio Conteh, ku xigeenka madaxa xafiiska warbaahinta ciidamadda oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay daabulitaanka ciidamadan ay tahay talaabo lagula dagaalamayo safmarka Coronavirus.

"Qeybtii ugu horeysay ee 80-ka dalka kusoo laabatay waxay geli doonan karantiil 14 maalmood ah, waxaana mari doonan dhamaan habraacyada xakameynta musiibadaan," ayuu hadalkiisa ku daray.

Sidda laga soo xigtay Conteh, ciidankan Soomaaliya ku jooga magaca Howlgalka Booliska Qaramada Midoobay waxay sidoo kale ka qeyb qaadan doonan xaqiijinta ammaanka xeryooyinka barekacyaasha.

Tan iyo 2018-kii, waa markii saddexaad oo dowladda Sierra Leone ay ciidamo u soo direyso Soomaaliya, waqtigaasoo ay si rasmi ah uga mid noqdeen Howlgalka Midowga Afrika ee la dirirka Al-Shabaab.

Sikastaba ha ahaatee, AMISOM ayaa waxaa ay ka kooban tahay laba waaxood oo ah boolis iyo milatari. Qeybta bileyska waxaa ciidamadda ku tabarucay qaramada Ghana, Kenya, Nigeria, Sierra Leone, Uganda iyo Zambia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoobiyeyaal lagu garaacay garoonka Baydhabo xilli uu ka degay Xasan Sheekh

Amniga madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin ciidamo ka socda dalka Ethiopia.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 07:44PM

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM