Dowladda Somalia oo amartay in la xiro Website-yo

Image

10 November, 2015(GO)-Amar ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Somalia, ayaa lagu sheegay in la xanibayo 35 website, kuwaasi oo laga keenay cabasho faafin iyo dacaayado aan munaasib ahayn

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ayaa ku amray wasaaradda Boostada iyo Isgaadhsiinta inay xannibaan Website-yadaas, inta la hubinayo sugnaanshaha cabashooyinka soo gaadhay xafiiska Xeer ilaaliyaha.

Ku-xigeenka xeer ilaaliyaha Somalia Maxamud Cabdi Xaaji Aadan, ayaa sheegay in website-yadan faafiyeen warar aan munaasib ahayn, dacaayado kula kaceen shakhsiyaad magac ku leh bulshada.

Arrintan, ayaa imaanaysa xilli ay soo badanayaan, mareegaha Internetka ee Somalida, balse arrinta ayaan noqonaysa markii ugu horraysay oo si cad xafiiska xeer ilaaliyaha Somalia xirtaankooda u shaaciyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM