Dowladda Somalia oo diyaaradaha isbahaysiga u oggolaatey hawadeeda

Image

April 7, 2015 (GO)- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa oggolaatey codsi uga yimid isbahaysiga Sucuudigu hoggaaminayo ee duqeymaha ka wada Yemen, codsigaasoo ahaa in diyaaradahooda dagaalku adeegsan karaan hawada Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Cabdisalaan Cumar Hadliye oo waraysi gaar ah siiyey laanta afka Soomaaliga ee idaacadda VOA ayaa xaqiijiyey in Soomaaliya codsigaas aqbashey.

Sababta Dowladda Federaalku go'aankan u qaadatey mar la weydiiyey wuxu usheegay inay tahay sidii looga hortegi lahaa in la rido dowladda sharciga ah ee Yemen isagoo xusey in Soomaaliya qayb ka tahay Jaamacadda Carabta, go'aan kasta oo Jaamacadda Carabta kasoo baxana ay qaadan doonto.

"waxaan nahay dal ka mid ah Jaamacadda Carabta…waxaan qaadanay siyaasadda ay dalalka Jaamacadda Carabtu qaateen. ..waan kasoo hor jeednaa in dowladda sharciga ah ee Yemen la rido" ayuu yiri.

Wasiirka oo la weydiiyey sida laga yeelayo qaxootiga Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool, wuxuu sheegay inay wadaan qorshe ku aaddan sidii dadkaas loo soo daad gureyn lahaa.

Arrintan ayaa walaac xooggan ku abuureysa qaxootiga Soomaalida ee dalka Yemen ku nool, maadaama ay ka cabsi qabaan in go'aanka Dowladda Federaalku qaadatey dartiis loo dhibaateeyo.

Hawlgalka Sucuudigu hormuud ka yahay ee loogu magac daray (Duufaanta Go'aan Adeygga) ayaa bilowdey March 26, 2015, markaasoo in ka badan boqol diyaaradood oo kuwa dagaalka ahi duqeymo ka geysteen gudaha dalka Yemen.

Goobaha sida gaarka ah loo bartilmaameedsadey waxaa kamid ah fariisimaha iyo keydadka hubka ee mileeshiyaadka Xuuthiga iyo ciidamada daacadda u ah madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdallah Saalax.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM