​Dowladda Somalia oo ka hadashay Qaraxa Muqdishu

Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Dowladda Somalia, ayaa ka hadashay qarax khasaaro gaystay oo saaka waabarigii lagu weeraray mehered ku dhow dekedda magaalada Muqdishu caasumadda Somalia.

Afhayeenka gobolka Banaadir, Cabdifitaax Cumar Xalane, ayaa warbaahinta u sheegay in khasaaraha qaraxaasi kor u dhaafayo dhimashada 10 qof, halka dhaawacu intaas ka badanyahay.

Xalane, ayaa intaas ku daray in dowladdu wato baaritaano ku aadan sida wax u dhaceen, wuxuuna sheegay inay ka xunyihiin dhibka soo gaaray dadka shacabka ah, isagoo sheegay in gaariga qaraxa fuliyay noociisu ahaa Caasi, kaasoo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Afhayeenka, ayaa sidoo kale beeniyay in waxyeello kasoo gaartay ciidamo katirsan kuwa dowladda Somalia, isagoo xusay inaysan ka hordhici doonin baaris socota.

Xalane, ayaa tilmaamay in xaaladda magaalada Muqdishu iminka dagantahay.

Sawirro lagasoo qaaday goobta qaraxu ka dhacay, ayaa muujinaya bur-bur baahsan oo soo gaaray meherradda.

Taliyaha ciidanka booliiska gobolka Banaadir Korneel Bishaar Abshir Geeddi ayaa isna ku waramay in  ilaa hadda ay  dhinteen 11 qof.

Balse, goob joogayaal aan la xiriirnay, ayaa aaminsan in khasaaro intaas ka badanyahay.

Baabuurka ayaa la qarxiyey xilli saxmad ah oo shaqaaluhu dekedda sii galayeen, waxana la sheegay in baabuurka lagu qarxiyey qayb ka mid ah dekedda oo ah xafiiska canshuur qaadista.

Weerarka, ayaa dhacay abaarihii 7:30 subaxnimo xilli ay shaqaale badan safnaayeen dekedda horteeda si ay u galaan.

Dekedda Muqdishu waxa maamula shirkadda Al-Bayrak oo laga leeyahay Turkiga oo qandaraas kula jirta dawladda Soomaaliya.

Ururka Al-Shabab ayaa sheegtay mas'uuliyadda, weerarka iyagoo xusay inay ku dileen in kabadan 30 qof.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM