​Dowladda Somalia oo ka hadashay Xariga Wariyaasha Al Jazeera oo xorriyadooda helay

Image

MUQDISHU, Somalia- Xukuumadda waqtigeedu dhammaaday ee ku sugan magaalada Muqdishu, ayaa ka hadashay wariyaal shalay lagu xiray caasumadda Somalia, xilli ay kasoo laabteen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.

Wariyaashan oo u shaqeeya TV-ga Al Jazeera, ayaa wasiirka Warfaafinta Somalia, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, sheegay inay la kulmeen horjoogayaal katirsan Al Shabaab.

Maareeye, ayaa xusay in Wariyaasha Al Jazeera ay si qarsoodi ah dalka kusoo galeen, islamarkaana ay tageen deegaano ay maamusho Al shabaab.

"Wariyaasha waxay si qarsoodi ah u tageen Deegaanada Al shabaab, oo ay Horjoogayaal sare kusoo wareysteen, iyadoo aan ka warqabin dowladda Soomaaliya," Ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in ciidamada amniga dalka ay su'aalo ka weydiiyeen arrinta loo haysto.

Wariyaasha Al Jazeera, oo kala ah Xamza Maxa'ed, Filim-qaade (Camareman) iyo Darawalkooda ayaa Talaadadii galabteeda waxaa lagu qabtay duleedka Afgooye, xili degmadaasi ay weerar ku qaadeen Al Shabaab.

War Saxaafeed oo kasoo baxay Al Jazeera, ayaa lagu sheegay in Wariyaashooda sababta loo xiray aanay aqoon, balse ay wadaan xiriiro ay la samaynayaan Mas'uuliyiinta dowladda Soomaaliya.

Al Jazeera waxay sheegtay in Wariyaasha ay usoo dirtay Somalia, inay Warbixin usoo diyaariyaan, islamarkaana ay dalka joogeen oo kaliya mudo Hal Isbuuc ah.

Xamza Maxa'ed, oo ah Wariye Soomaaliyeed, oo haysta dhalashada dalka Ingiriiska ayaa dhowr jeer oo hore u tagey Deegaanada Al shabaab, isagoo soo wareystay Horjoogiyaal uu ku jiro Sheekh Cali Dheere sannadkii 2013.

Goordhow, ayaa xabsiga laga sii daayay wariyaashi oo muddo labo casho ah ku jiray xabsi ku yaalla magaalada Muqdishu caasumadda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM