Dowladda Somalia oo laga taageerayo mushaharaadka ciidanka

Image

17 Octobar, 2015(GO)-Kulan maanta ka dhacay magalada Muqdishu ayaa lagu kala saxiixday bixinta qayb ka mid ah mushaharaadka ciidanka Somalia, xilli ay soo baxaysay warbixino sheegaya inaysan helin xuquuqdooda.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in Xukuumadda Somalia ka taageerayaan dhanka mushaharaadka ciidanka qayb ka mid ah.

Hishiis arrintaasi ku saabsan, ayaa maanta waxaa kala saxiixday wasiirka Maaliyadda Somalia, Abaanduulaha ciidanka iyo Safiirka Imaaraadka u fadhiya Muqdishu.

Wasiirka maaliyadda Somalia Maxameed Aadan Fargeeti ayaa xusay in dowladda Somalia muhiimadda siinayso amniga, taasina ku imaanayso in xuquuqdooda helaan ciidanku.

Fargeeti ayaa tilmaamay in ciidanka Somalia bil kasta si joogta ah u helayaan mushaharaadkooda.

Dhawaan waxaa la soo saaray warbixin shaacisay mushahaar la'aanta ciidamada Somalia, taasi oo abuurtay wel-wel ku saabsan dhanka ammaanka, maadama ciidamadii sugayay aysan helayn xuquuqdooda.

Taliyihii hore ciidamada xoogga dalka Gen. Daahir Aden Cilmi “Indha Qarshe”, oo 10 Octobar, la hadlay Idaacadda VOA-da ayaa beeniyay inay jirto warbixin ay heshay wakaaladda wararka ee Reuters taaso xusaysay awood darida Xukuumadda Somalia ka haysata dhanka mushahaarka iyo cunada ee ciidamada Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM