Dowladda Soomaaliya oo beenisay inay heshiis qarsoodi ah la gashay Sweden

Image

Muqdisho, Somalia – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u beenisay warar warbaahineed oo dhawaan soo baxay kuwaas oo sheegaya in Soomaaliya iyo Sweden ay galeen heshiis sir ah oo ku saabsan in kaalmo horumarineed lagu xiro aqbalaadda DFS ee muwaadiniinta Soomaaliyeed, ee laga masaafurinayo Sweden.

Wararka, oo ay baahisay idaacadda qaranka ee Sweden ee Ekot, ayaa ku eedeeyay in kaalmo horumarineed oo Swedish ah loo wareejiyay mashaariic la xiriira Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, si loo xoojiyo saameynta siyaasadeed ee xafiiskaas.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta war-saxaafadeed ku sheegay in eedeymahaasi yihiin been abuur, marin-habaabineed, oo aan sal lahayn, isla markaana aysan jirin wax heshiis sir ah ama shuruud ku xiraya oo Soomaaliya la gashay waddan kale oo ku saabsan soo celinta muwaadiniinteeda ama qaybinta kaalmooyinka horumarineed.

“Eedeymahan waa been, marin-habaabineed, mana jiraan heshiisyo sir ah ama shuruud ku xiraya oo Soomaaliya la gashay dal kale oo ku saabsan soo celinta muwaadiniinteeda ama qaybinta kaalmooyinka horumarineed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Dowladda ayaa intaa ku dartay in dhammaan kaalmooyinka horumarineed iyo mashaariicda dalka lagu fuliyo si hufan oo waafaqsan heerarka caalamiga ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin xeerarka Bangiga Adduunka, Qaramada Midoobay, iyo nidaamyada xisaabaadka ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale ku adkeeyay in dhammaan howlaha iskaashiga caalamiga ah iyo kaalmooyinka horumarineed lagu maamulo si hufan, isla xisaabtan leh, oo wax ku ool ah.

Warbixinta Ekot ayaa sidoo kale sheegtay in Sweden si qarsoodi ah u wareejisay 100 milyan oo koron Swedish ah (ku dhawaad 10.6 milyan oo doollar) oo ka mid ah miisaaniyadda horumarineed, taasoo loo qoondeeyay mashaariic la xiriira Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, iyadoo beddelkeeda Soomaaliya ogolaatay in ay aqbasho muwaadiniinteeda la masaafuriyay.

Beenintan ayaa ku soo aadeysa xilli Wasiirka Gaashaandhigga Sweden, Pål Jonson, uu booqasho ku joogo Muqdisho shalay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM