Dowladda Soomaaliya oo ciidamo si gaar ah u tababaran u dirtey Jowhar

Image

JOWHAR, HirShabelle - Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu waramay in ay caasimada HirShabelle ee Jowhar ay Axada maanta ah u dirtey ciidamo si gaar ah u tababaran.

Sidda ay muujinayaan macluumaadka, ciidankan ayaa ka tirsan booliska uu Turkiga tababarka siiyey ee loo yaqaano Haramcad.

Ma cadda ujeedka dhabta ah ee askarta loogu daabulay magaala madaxda gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ma jiro mas'uul ka tirsan Dowladda oo tafaasiil dheeraad ah ka bixiyey daabulitaanka.

Talaabadan ayaa timid xilli Jowhar lagu waddo in ay martigeliso doorashooyin isku-sidkan oo kala ah madaxtinimada iyo baarlamaanka maamulkii ugu dambeeyay ee dalka laga dhisay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM