Dowladda Soomaaliya oo diiwaan-gelisay kiisas horleh oo ah Covid-19

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-gelisay 13 kiisas cusub oo ah safmarka sidda fudud u faafa ee Coronavirus.

Tobban kamid ah bukaanadda cusub waa Lab ama Rag, halka saddexda kale ay yihiin Haween ama Dhedig; intaas waxaa wehlisa in sideed kamid ah ay joogaan Somaliland, shan-na gobolka Banaadir.

Xaaladaha cusub ee la diiwaan-geliyey afar iyo labaatankii saac ee lasoo dhaafay oo hoos u dhac uu ka muuqdo marka loo eego bilooyinkii u dambeysay ayaa wadarta waxay ka dhigayaan 1,724.

Nasiib wanaag, ma jirto geeri la liis-gareeyay saacadihii lasoo dhaafay. Guud ahaan dhimashadda uu xanuunka sababay waxay wali ku taagan tahay 67.

Hase ahaatee, waxaa bogsatay 12 bukaan oo horleh. Dadka ka caafimaadaya caabuqa ayaa sarre u kac laga dareemayaa. Tiradda guud ee shaqsiyaadka ka kacay cudurka ayaa noqoneysa 265.

Dr Maxamed Maxamuud Cali Fuje, talo-bixiyaha Covid-19 ee Dowladda Soomaaliya, ayaa shacabka ku booriyey in aysan hoos u dhigin taxadarkooda, isagoo tibaaxay in halista wali ay jirto.

Tan iyo markii uu bishii December ee sanadkii 2019-kii uu kasoo bilowday magaaladda bartamaha Shiinaha ku taala ee Wuhan, fayruska Corona ayaa wuxuu ku faafay badi wadamadda caalamka oo dhan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM