Dowladda Soomaaliya oo IMF ka qaadatay deyn dhan 100 Milyan oo Dollar

Image
IMF ayaa dowladda Federaalka u ansixisay deyn cusub oo dhan 100 milyan oo Dollar.

Muqdisho (GO) - Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) ayaa dowladda Federaalka u ansixisay deyn cusub oo dhan 100 milyan oo Dollar, taas oo lagu bixinaayo 3-da Sano ee soo socota.

Ansixintan ayaa daba socota gaarista Barta Dhamaystirka ee barnaamijka deyn ka-cafinta dalalka saboolka ah ee deymaha badan lagu leeyahay (HIPC).

Barnaamijka cusub ayaa ujeedadiisu tahay in wax laga qabto caqabadahan, iyadoo la taageerayo istaraatiijiyadaha dib-u-habeynta ee lagu xoojinayo dhaqaalaha dalka marxaladda deyn cafinta ka dib, sida lagu sheegay war ay soo saartay hay’adda IMF.

Istaraatiijiyadda dib-u-habaynta waxaa ka mid ah kordhinta dakhliga gudaha, hagaajinta maamulka maaliyadda dawladda, kor u qaadista awoodda Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Bixi Imaan Cige ayaa hore u sheegay in dhaqaale kasta oo lagu taageerayo dowladda Soomaaliya ka dib deyn cafinta ay noqon doonto deymo.

Tallabadan ayaa kordhinaysa walaaca laga qabo in dalka dib lagu yeesho deymo badan oo aan waxqabad muuqda laga dhaxlin, iyada oo ay fikirkaas muujiyeen dad badan oo ka falceliyay Go’aanka IMF.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM