Dowladda Soomaaliya oo joojisay duulimaadyadii Kismaayo iyo Doolow
MUQDISHO, Soomaaliya - Kadib dagaalkii Shalay ka dhacay magaalada Doolow ee gobalka Gedo, dowladda Federaalka ayaa qaadday tallaabooyin culus oo ay kamid yihiin inay xayiraad dhinaca duulimaadka oo ku soo rogtay magaalooyin kamid ah Jubbada Hoose iyo Gedo.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay si ku meel gaar ah u joojisay duulimaadyadii tagi jirey magaalooyinka Kismaayo iyo Doolow kadib markii ay Axmed Madoobe ku eedeysay inuu afduubtay diyaarad rakaab ahayd oo shalay ka degtay magaalada Kismaayo, diyaaraddaas oo ahayd tii Doolow geysay wafdi ka socday Jubbaland.
Labo diyaaradood oo kusii jeeday Jubbaland ayaa la hakiyay duulimaadkooda ay kaga soo baxayeen Garoonka magaaladda Muqdisho. Lama oga waqtiga ay ku egtahay xayiraaddaan, oo kusoo beegantay xili dagaal uu ka dhacay magaalada Doolow shalay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac.
Tallaabadaan ay qaadday dowladda Federaalka ayaa u muuqata mid ay kaga aargoosanayso Axmed Madoobe oo khilaaf xooggan uu kala dhaxeeyo, laakiin culeyska ugu weyn ayaa waxaa wajihi doono dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaannada Jubbaland.
Dowladda Federaalka ah ayaa si weyn uga xumaatay dagaaladii shalay ka dhacay magaalada Doolow, iyadoo Ciidamada Itoobiya ku eedeysay inay falal gurracan ka geysateen halkaasi, islamarkaana ay dileen askar ka tirsaneed Ciidanka xoogga dalka.
Waxaa xusid mudan in shalay DF ay wa wafdi sare u dirtay Addis Ababa si ay mas'uuliyiinta Itoobiya ugalasoohadlaan dhaqan-gelinta qodobada heshiiskii 11-kii bishan labada dal ay ku soo gaareen magaaladda Ankara, ee Caasimadda Turkiga, kaas oo Itoobiya u ogolaanaya inay bad ka hesho Soomaaliya.
Go'aanka dowladda Xasan Sheekh ayaa saameyn ku yeeshay dadka musaafurka ah, oo loo diiday Xorriyadda Safarka iyo isku socodka waxay ka midyihiin xuquuqda aas-aasiga ah ee Muwaadinka ee ku qeexan Dastuurka.
Dowladdii uu hoggaaminayay madaxweyne hore Farmaajo ayaa sidaan oo kale xayiraad dhinaca safarrada ah saartay maamulka Jubbaland ka dib khilaaf siyaasadeed oo xilligaas u dhaxeeyay Villa Soomaaliya iyo Axmed Madoobe.
GAROWE ONLINE