Dowladda Soomaaliya oo ka noqotay taageeradii ay u muujisay Itoobiya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka noqotay taageeradii ay u muujisay xukuumadda Itoobiya ee uu hogaamiyo Abiy Axmed taasoo dagaal kula jirta xoogaga TPLF ee ka arimiya gobolka Tigray.

Wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Muqdisho ayaa baraheeda bulshadda waxay ka saartey war-saxaafadeed ku qoran luuqadd English taasoo ay uga hadashay xiisadda dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika.

Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka, ayaa tibaaxay in qoraalkaas uusan ka turjumeyn mowqifka saxda ah ee dowladda waqtiga kasii dhamaanayo.

"Waxaan rabaa in aan caddeeyo in war-saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee khuseeya xaaladda Itoobiya in uusan ahayn mid rasmi ah. Qodobadda ku qoran war-saxaafadeedka kama turjumayo aragtida saxda ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, mana ahan mid sax ah," ayuu yiri.

Bayaanka la saarey oo garab istaag loogu muujiyey Abiy ayaa ku baaqay wadahadal lagu soo afjarayo xabadda ka dhaceysa waqoyga Itoobiya.

Ma cadda sababta dhabta ah ee keentay in dowladda Soomaaliya ay ka laabato mowqifkeeda iyo qaabka uu kalkii hore kusoo baxay warka qoraalka.

Dowladda madaxweyne Farmaajo ayaa gacansaar dhow la leh maamulka Abiy Axmed, waxaana ay dardargelinayaa mashruuc hakad uu ku yimid kaasoo ku saabsan is-dhexgalka dhaqaalaha, amniga iyo horumarka Geeska Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM