Dowladda Soomaaliya oo ka warbixisay qarax maanta ka dhacay Muqdisho

Image
Qaraxa ayaa waxaa ka dhashay dhimashada 2 qof oo goobta ka ag dhawaa iyo dhaawaca 2 kale.

Muqdisho, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ka soo saartay qaraxii maanta ka dhacay Isgeyska Cali Kamiin ee degmada wartanabadda ee gobolka Banaadir.

Dowladda ayaa sheegtay in laamaha amaaanka ay ceyrsadeen nin laga shakiyay in uu sida walxaha qaraxa, waxaana warmurtiyeedka lagu yiri:

“Maanta 24 Jan 2024 abaare 16:00 Galabnimo, ayaa Ciidanka Boliisku la kulmeen qof u muuqday inuu dhagarqabe yahay, wuxuu isku dayay inuu baxsado”.

Ninkaan ayaa markii dambe isku qarxiyay Kaalin Shidaal oo ku yaala isgoyska Cali Kamiin, ka dib markii ay cayrsadeen ciidamada amaanka.

“Ciidanka oo cayrsanaya ayuu ku qarxay Kaalin shidaal oo ku yaalay Isgoyska Cali-kamiin ee Degmada Warta-nabada oo u jira ugu yaraan 1 KM garoonka Cayaaraha ee Stadium Muqdisho.”

Dowladda oo shaacisay qasaaraha ka dhasahy qaraxan ayaa xaqiijisay dhimashada 2 qof oo goobta ka ag dhawaa iyo dhaawaca 2 kale, waxaana burburay Kaalinkii shidaalka uu beegsaday ninkii isqarxiyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM