Dowladda Soomaaliya oo khasaareysa $1.5 bilyan Coronavirus dartiisa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Iyaddoo kaliya muddo bil ah ay kasoo wareegatay markii kiiskii ugu horeeyay oo ah Coronavirus laga helay Soomaaliya, cudurka wuxuu durba saameyn xoogan ku yeeshay dhaqaalaha dalka.

Wasaaradda Maaliyadda dowladda federaalka ayaa daboolka ka qaadey in saameynta si weyn looga dareemay xawalaadaha oo hoos u dhac uu ku yimid dakhliga kaga imaan jiray dibadda.

Sidoo kale, waxaa hoos u dhacay dakhligii xukuumadda ka heli jirtay deeq-bixiyaasha iyo canshuuraha laga uruurin jiray gudaha.

Xawaaladaha ayaa ku tiirsan lacagaha ay soo diraan qurba joogta ku sugan wadamada Yurub iyo Ameerika, kuwaas oo dhankooda uu saameeyay Covid-19, qaar badana ay joojiyeen shaqadda.

Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, wasiirka maaliyadda federaalka oo la hadlay BBC-da, ayaa sheegay in saameyntan ay illaa iyo haatan dhan tahay afartan boqolkiiba.

Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu carabka ku dhuftay in hoos u dhaca dakhliga xawalaadaha awgeed uu wadanka sanad walba khasaari karo 1.5 bilyan oo Doolar, hadii uusan helin kab maaliyadeed.

Baanka Aduunka ayaa warbixin uu soo saarey ku sheegay in dalalka Saxaraha ka hooseeya ee Soomaaliya ay kamid tahay ay khasaari karaan 37 milyan Covid-19 dartiisa. Ma soo bandhigin xalka looga baaqsan karo.

Xukuumadda Federaalka ayaa uga codsatay Beesha Caalamka in deeqihii ay ka heli jirtay loo weeciyo la dagaalanka xanuunka.

Falanqeeyeyaasha dhaqaalaha ayaa aaminsan in bandowga habeenkii ee lagu soo rogay Muqdisho uu soo xoojinayo dhibaatada dhaqaale ee taagan.

Soomaaliya ayaa laga xaqiijiyey 286 kiis oo ah Coronavirus. 95 boqolkiiba bukaanada waxay ku sugan yihiin Muqdiso, sidda ay sheegeen saraakiisha caafimaadka, oo intaas ku daray in 14 qof ay illaa iyo haatan u geeriyoodeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Wajahaysa Khatarta Dagaalyahanno Shisheeye oo Tababar Qaatay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si cad ugu eedeeyay Xuutiyiinta inay hub u gudbiyeen Al-Shabaab iyo Daacish.

  • Soomaliya

    08-09-2025

  • 07:47AM

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM