Dowladda Soomaaliya oo la wareegtay hogaanka ciidamadda EASF

Image
Munaasabadan ayaa dhacdey intii uu socday shirka sanadlaha ee 33-aad ee dejinta Siyaasadaha EASF.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda Rwanda kala wareegtay Hoggaanka Ciidanka Heeganka ee Bariga Afrika (EASF) oo ah urur goboleed uu waajibaadkiisu yahay kor u qaadista nabadda iyo ammaanka gobolka Bariga Afrika, kana mid ah shanta ciidan goboleed ee ciidamada heeganka ah ee Afrika (ASF) oo ka kooban militari, boolis iyo qaybo rayid ah.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa dhiggiisa dalka Rwanda Juvenal Marizamunda kala wareegay xilka Guddoomiyaha Golaha Wasiirada Gaashaandhigga iyo Amniga ee Gobolka Bariga Afrika.

Munaasabadan ayaa dhacdey intii uu socday shirka sanadlaha ee 33-aad ee dejinta Siyaasadaha EASF oo ay iskugu yimaadeen Madaxda dalalka EASF oo ka dhacay Magaalada Kigali ee Dalka Rwanda.

Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay guddoominaysa Golaha Wasiirrada Gaashaandhigga ee EASF, iyadoo ay kasoo wareegtay 20 sano markii la aasaasay ururkan.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed ayaa u mahadceliyey gudoomiyaha uu xilka kala wareegay, wuxuuna ballan qaaday in Soomaaliya ka go'an tahay wada shaqaynta dhammaan dawladaha xubnaha ka ah EASF. Wuxuuna Wasiirku casuumaad u fidiyey in kalfadhiga kan xiga ay Soomaaliya marti gelin doonto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Sidee Looga Saari Karaa Al-Shabaab Magaalada Istiraatiijiga ah ee Moqokori?

Si dib loogu qabsado Moqokori, waxaa la rumeysan yahay in loo baahan yahay in Macawiisleyda dib la isu abaabulo.

  • Soomaliya

    09-07-2025

  • 01:56PM

Qarax Is-miidaamin ah oo Ka Dhacay Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa xaqiijisay in qarax is-miidaamin ah uu ka dhacay agagaarka Jaalle Siyaad.

  • Soomaliya

    09-07-2025

  • 01:17PM