Dowladda Soomaaliya oo la wareegtay hogaanka ciidamadda EASF

Image
Munaasabadan ayaa dhacdey intii uu socday shirka sanadlaha ee 33-aad ee dejinta Siyaasadaha EASF.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda Rwanda kala wareegtay Hoggaanka Ciidanka Heeganka ee Bariga Afrika (EASF) oo ah urur goboleed uu waajibaadkiisu yahay kor u qaadista nabadda iyo ammaanka gobolka Bariga Afrika, kana mid ah shanta ciidan goboleed ee ciidamada heeganka ah ee Afrika (ASF) oo ka kooban militari, boolis iyo qaybo rayid ah.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa dhiggiisa dalka Rwanda Juvenal Marizamunda kala wareegay xilka Guddoomiyaha Golaha Wasiirada Gaashaandhigga iyo Amniga ee Gobolka Bariga Afrika.

Munaasabadan ayaa dhacdey intii uu socday shirka sanadlaha ee 33-aad ee dejinta Siyaasadaha EASF oo ay iskugu yimaadeen Madaxda dalalka EASF oo ka dhacay Magaalada Kigali ee Dalka Rwanda.

Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay guddoominaysa Golaha Wasiirrada Gaashaandhigga ee EASF, iyadoo ay kasoo wareegtay 20 sano markii la aasaasay ururkan.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed ayaa u mahadceliyey gudoomiyaha uu xilka kala wareegay, wuxuuna ballan qaaday in Soomaaliya ka go'an tahay wada shaqaynta dhammaan dawladaha xubnaha ka ah EASF. Wuxuuna Wasiirku casuumaad u fidiyey in kalfadhiga kan xiga ay Soomaaliya marti gelin doonto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM