Dowladda Soomaaliya oo lagu eedeeyay abaabulka kooxo hubeysan oo lagu beegsanayo Lafagareen

Image

MUQDISHO, Soomaaliya — Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa si kulul uga eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay abaabul ciidan iyo kooxo hubeysan ka wado magaalada Muqdisho, kuwaas oo lagu wiiqayo xasiloonida iyo maamulka gobolka.

Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay si qarsoodi ah uga shaqeynayso dhismaha koox mucaarad ah oo hubeysan, oo dhab ahaantii lagu beegsanayo maamulka uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

“Doorka Madaxweyne Laftagareen ee ku aaddan doorashooyinka iyo xisbiyada siyaasadeed waa mid qof walba u caddaaday, balse marnaba ma aqbali doonno in laga abuuro Muqdisho dhaqdhaqaaqo hubeysan oo loogu dan leeyahay in lagu carqaladeeyo ammaanka Koonfur Galbeed,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Wasiirka Warfaafinta Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Maxamed Ibraahim Bilaal, ayaa si adag u cambaareeyay aasaaska xisbiga cusub ee Democratic For Change oo uu dhowaan ku dhawaaqay Maxamed Aadan Ibraahim (Farkeeti).

Isagoo warbaahinta kula hadlayay magaalada Baydhabo shalay, Wasiirka ayaa xisbiga cusub ku tilmaamay "kacdoon hubeysan oo lagu qariyay magaca dhaqdhaqaaq siyaasadeed", isaga oo sheegay in ujeeddada laga leeyahay ay tahay in lagu wiiqo xasilloonida Koonfur Galbeed.

“Xisbigan looma abuurin horumar siyaasadeed ee waa halis lagu burburinayo dadaalladii amni iyo dowlad-dhisid ee Koonfur Galbeed. Waa dhaqdhaqaaq si dadban u abaabulaya fowdo, taas oo aanan aqbali doonin,” ayuu yiri Wasiir Bilaal.

Wasiirka ayaa sidoo kale uga digay siyaasiyiinta Soomaaliyeed in aysan Muqdisho ka samaynin falal wiiqaya maamullada dalka ka jira, isaga oo xusay in la dhowro nidaamka federaalka iyo kala dambeynta dowladnimo.

Mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in tallaabooyinkan ay dhaawacayaan midnimada siyaasadeed ee dalka iyo dadaallada loogu jiro xasilloonida, gaar ahaan xilligan loo diyaargaroobayo marxalad doorasho iyo hirgelinta qorshayaasha isbeddelka dowladeed.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sidoo kale sheegaya in kulammo gaar ah oo ka dhacay Muqdisho ay qeyb ka yihiin qorshe siyaasadeed oo la doonayo in lagu wiiqo saameynta Laftagareen ee heer maamul goboleed iyo heerka federaalka.

Dowladda Federaalka ayaan weli si rasmi ah uga hadlin eedeymahan, hase yeeshee arrintan ayaa abuurtay xiisad siyaasadeed oo sii xoogeysaneysa, iyadoo dadka falanqeeya siyaasadda Soomaaliya ay ka digayaan in xiisadahan ay sababi karaan is-maandhaafyo hor leh oo qaranka saameyn ku yeesha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Garoonka Diyaaradaha Doolow oo Dib Loo Furay Kadib Xayiraad Mudo Socotay

Mudadii ay xayiraaddu jirtay, dad badan oo ka yimid gobolka Gedo ayaa la daalaa dhacayay helitaanka adeegyada caafimaad.

  • Soomaliya

    11-05-2025

  • 01:25PM

Muqdisho: Imisa ku dhimatay, kuna barakacday Roobkii Fatahaadda sababay?

Sanadkii 2023, in ka badan 100 qof ayaa ku dhintay, halka in ka badan hal milyan qofna ay ku barakaceen daadad la xiriiray cimilada El Niño.

  • Soomaliya

    11-05-2025

  • 09:38AM