Dowlada Soomaaliya oo loogu baaqay in ay sii deyso Abuu Mansuur

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir, ayaa si furan kaga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda wadanka.

Siyaasiga ayaa ugu horeyn soo dhaweeyay heshiiska ay gaareen hogaamiyeyaasha Galmudug ee ku kala irdhoobay doorashadii Dhuusamareeb.

"Waxaan bogaadinayaa daddaalka uu madaxweynaha Galmudug mudane Axmad Qoorqoor kula heshiiyey mucaardkiisa," ayuu maanta kusoo qoray bartiisa gaarka ah ee Faceboook.

Dhanka kale, wasiirkii hore ee Qorheynta Soomaaliya, ayaa dul istaagey is-afgaradka madaxweynaha Jubaland, Cabdirashiid Xidig iyo Cabdinaasir Seeraar ku gaareen Nairobi.

"Waxaan xog ku hayaa in heshiiska Madaxweyne Axmad Madoobe iyo mucaaradkiisa heer gebagebo ah marayo," ayuu xusay.

Sii deynta Abuu Mansuur

Isagoo hadalkiisa sii wata, xukuumadda Soomaaliya ayuu ugu baaqay in ay sii deysay Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, kaas oo muddo sanad ka badan u xiran Villa Soomaaliya.

"Waxaan dawlada Federaalka ah ugu baaqayaa in ay xabsiga ka sii dayso Mukhtaar Robow si loo gaaro heshiis dhexmara madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo mucaaradkiisa ka dibna loo diyaar garoobo gogasha wadahadal ee Garowe fidsan," ayuu ka dhawaajiyey.

Colaadaha ka aloolsan gobolada Jubada Hoose, Baay iyo Shabeellaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya ayuu soo jeediyey in lasoo gabagabeeyo.

"Waxaan mar kale ku baaqayaa in aan dhamaanteen dadddaal wadajir ah u galno deminta dagaalada sokeeye ee duleedka Kismaayo, Degmada Wanlawayn iyo Diinsoor ka socda," ayuu qeexay.

Wuxuu kusoo xiray: "Waa colaado danbiyo dagaal lagu galay, dhaawacayna dadnimadeena iyo magaca ummadnimo ee qarankeena Ilaahow quluubta dadkeena isku soo dhoweey, dhiiga qubanayana istaaji, dabaysha Koroonana Fayrisna itaal uma haynee naga badbaadi. Aamiin".

Ku dhowaad 60 qof ayaa ku dhimatay dagaal beeleedyadda laga soo wariyey gobolada dalka, kuwaas oo badankooda salka ku haya aanooyin qabiil iyo loolan siyaasadeed oo beelaha u dhaxeeya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo Xasan Sheekh uga Digay inuu sameeyo Muddo Kororsi sharci-darro ah

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo muran siyaasadeed uu ka taagan yahay marxaladda kala guurka ah iyo sida loo wajahayo doorashooyinka soo socda ee dalka.

  • Soomaliya

    01-09-2025

  • 11:43AM

Masar oo qaadey Tallaabo Itoobiya ka digtay inay saameyn ku yeelato amniga Soomaaliya

Ciidamada Masar oo bedelaya kuwa Burundi, ayaa qeyb ka noqon doona dadaallada AUSSOM ee la dagaallanka Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    01-09-2025

  • 07:54AM