Dowladda Soomaaliya oo Muqdisho ku soo dhaweysay “Madaxweynaha Awdal State”

Image
Dowladda ayaa ballaan qaadday in ay garab isataagi doonto Shacabka Awdal.

Muqdisho, Soomaaliya - Madaxaweynaha maamulka aan wali aqoonsiga helin ee Awdal State Cabdisamad Ibraahim Nageeye oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay inuu dalka ku yimid casuumaad uu ka helay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Cabdisamad ayaa sheegay in uu dowladda ka helay ballaan qaad ah in ay garab isataagi doonto Shacabka Awdal, si ay uga hortagto damaca Itoobiya ay ku doonayso qeyb ka mida badda Soomaaliya.

Wuxuu intaas ku daray: “Haddii Itoobiya ay qabsato gobolka Awdal, waxay qaadan doontaa Hargaysa, waxay qaadan doontaa Garoowe, waxay qaadan doontaa Muqdisho, waxayna ku darsan doontaa Jabuuti”.

Proff. Cabdisamad ayaa bogaadiyay tallaabooyinka uu qaaday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ka dhanka ah heshiis beenaadkii ay wada gaareen Itoobiya & maamulka Somaliland.

"Wuxuu caddeeyay [Madaxweeyne Xasan Sheekh] in aan taako ka mid ah dhulka Soomaaliya la qaadan karin, lana difaaci doono, taasi oo aan filayo in 80% hoos u dhigtay damaca Itoobiya." ayuu yiri Proff Cabdisamid.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in ay bulshada Soomaaliyeed u diyaariso dagaal, isla markaana dadka deegaanka ay ka caawiyaan sidii ay dagaalka u bilaabi lahaayeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax khasaare u geystay ciidanka difaaca Puntland oo ka dhacay gobolka Bari

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayso walaaca laga qabo habsami u socodka hawlgallada Puntland.

  • Soomaliya

    13-03-2026

  • 07:10PM

Maxaa looga hadlay shirka saddex-geesood ah ee ka dhacay Jabuuti?

Sida ay sheegeen mas’uuliyiin, wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    12-03-2026

  • 09:36AM