Dowladda Soomaaliya oo qaaday xayiraadii socdaalka ee Jubbaland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gebi ahaanba qaaday xayiraadii socdaalka ee Jubbaland kahor caleema saarka Axmed Madoobe, sidda uu ogaaday warisadaha Garowe Online.

Talaabadan ayaa waxay ka dambeysay markii cadaadis xoogan uu xukuumadda fadhigeedu yahay magaaladda Muqdisho kaga yimid madaxweyneyaashii hore ee waddanka iyo Beesha Caalamka.

Maamulka Kismaayo oo xayiraada ku sifeeyay "go'doomin baalmarsan Dastuurka dalka" ayaa xusay in ay ka dhalatay xaalado bini'aadanimo oo isugu jira geerida shacab iyo caafimaad darro.

Go'aankan laga noqday ayaa wuxuu farayay diyaaradaha tegaya ama kasoo baxaya magaaladda Kismaayo in ay soo maraan madaarka caalamiga ah ee Aadan Cadde si loogu sameeyo hubin.

Xisbiyada dalka iyo siyaasiyiin oo talaabadan ku tilmaamay "mid siyaasadeysan" ayaa ku eedeeyay Villa Soomaaliya in ay maamulka hawada u adeegsaneyso "hub siyaasadeed ahaan".

Qaaditaanka xayiraadda ayaa kusoo hagaageysa iyadda oo madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, uu kusii jeedo Kismaayo si uu uga qeybgalo munaasabadda caleema saarka Axmed Madoobe.

Xafladda ayaa lagu waddey in ay qabsoonto 26-kii September. Balse, xayiraada ayaa dib u dhigtay, iyadda wafuud ka qeybgali lahayd ay u baaqdeen sababtaas awadeed.

Madaxweynihii 7aad ee dalka, Sheekh Shariif Axmed, ayaa bishii September loo diiday in uu ka dhoofo Muqdisho si uu xafladda kaga qeybgalo. Kadib falkaas, xisbigiisa Himilo Qaran ayaa dacweeyay xukuumada.

Madaxtooyadda maamulka Jubbaland ayaa waxaa laga soo xigtay "in ay sida ugu dhaqsiyaha badan" ku muddeyn doonan goorta saxda ah oo ay qabsoomeyso xafladda.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa waxaa dib loogu doortay doorasho xor iyo xalaal ah oo 22-kii August ka qabsoonto xarunta gobolka Jubadda Hoose. Guusha ayuu ku hantiyey wareega 1aad ee coddeynta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dadaallada Dhexdhexaadinta Turkiga ee Khilaafka doorashadda Soomaaliya oo Wajahaya Dib-u-dhac iyo Cadaadis Caalami ah

Khilaafkaasi ayaa sababay in dhexdhexaadiyeyaasha Turkiga ee ku lugta leh hawsha ay ka fiirsadaan inay dib ugu laabtaan magaalada Ankara.

  • Soomaliya

    09-06-2026

  • 07:53PM

"11 saacadood ayaa la i weydiinayay su'aalo" – Cumar Cartan

Wuxuu intaas ku daray inuu tusay saraakiisha waraaqihii rasmiga ahaa ee horyaalka FIFA iyo sawirrada taariikhda garsoorenimo ee uu leeyahay.

  • Soomaliya

    09-06-2026

  • 06:37PM