Dowladda Soomaaliya oo qad casaan ah u xariiqdey Somaliland
MUQDISHO, Soomaaliya - Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed , waxay la wadaagaysaa muwaadiniinta Soomaaliyeed; warsaxaafadeed la xiriira dhacdooyinkii u dambeeyay ee hawada Dalka iyo tallaabooyinka la qaaday.
Talaabooyinka la qaadey ayaa kala ah;
Dowladda Soomaaliya waxay soo saartay warsaxafadeed taariikhdu markay ahayd 13 Feebarayo 2024, taas oo bulshada Soomaaliyeed iyo caalamkaba loogu xaqiijinayey bad-qabka duulimaadka hawada Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya mar walba waxay digniino u direysay maamulka gobolada waqooyiga Soomaaliya ee Somaliland si ay uga waantoobaan faldambiyeedyadaas.
Dowladda Soomaaliya iyadoo tixgelineysa shuruucda duulimaadka adduunka ayay soo saartay wargelinno (NOTAMs) A0017/24 iyo A0019/24, kuwaas o lala wadaagay dhammaan caalamka iyo hay adaha ay khusayso, laguna xaqüijinayey in duulimaadyadu si bad-qab iyo amni ah ku maraan hawada goboladaas, iyadoo aanay wax saameyn ah ku yeelanin carqaladahani addeegii duulista hawada.
War-saxaafadeedka hay'adda ayaa intaas ku daray: "Haddaba, haddii ay sid socdaan talaabooyinkan faldambiyeedka ah ee lagu carqaladeynayo Duulimaadyada Rayidka ah ee dul mara gobolada waqooyi ee dalka, waxay dowladda Soomaaliya Iyadoo ka xun ku khasbanaan doontaa inay qaado talaabooyin ad-adag oo lagu xaqiijinayo amniga iyo bad-qabka Duulimaadka Rayidka Soomaaliyeed".
GAROWE ONLINE