Dowladda Soomaaliya oo Qorsheyneysa Inay Ku Darto Af-Swahili Manhajka Waxbarashada dalka

Image

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in Afka Swahili-ga lagu daro manhajka dugsiyada dalka, taasoo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo isdhexgalka iyo wada shaqeynta dalalka Bariga Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Swahili-ga lagu baran doono dhammaan iskuulada dalka, iyadoo afka Soomaaligu uu ahaa luqadda ugu weyn ee waxbarashada iyo hawlaha rasmiga ah muddo lixdan sano ah.

Afka Swahili-ga ayaa ah luqad guud oo looga hadlo dalalka xubin ka ah Ururka Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) sida Kenya, Tanzania, iyo Uganda, sidoo kalena si weyn loogu isticmaalo wadamada DR Congo, Burundi, iyo Rwanda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku baaqay in jaamacadaha dalka ay hormuud ka noqdaan barashada iyo faafinta afka Swahili-gaMadaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku baaqay in jaamacadaha dalka ay hormuud ka noqdaan barashada iyo faafinta afka Swahili-ga, isla markaana la casuumo khubaro ka socota Kenya iyo Tanzania si ay uga qeyb qaataan barista luqadda.

“Jaamacadda Qaranka Soomaaliya iyo dhammaan jaamacadaha dalka waa in ay hormuud ka noqdaan kobcinta Af-Swahili-ga – afka guud ee gobolka Bariga Afrika,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulkadir, ayaa sheegay in dowladda ay la shaqeyneyso hay’adaha gobolka si loo diyaariyo qaab-dhismeedka lagu soo rogi doono barashada Swahili-ga heer qaran.

“Waxaan ka shaqeyneynaa sidii loo hormarin lahaa barashada iyo adeegsiga Af-Swahili-ga gudaha Soomaaliya. Waxaan rabnaa in Swahili-ga noqdo luqad wada xiriiro, ganacsi, iyo waxbarasho, xitaa lagu beddelo Ingiriisiga shirarkeenna mustaqbalka,” ayuu yiri Wasiirka.

Afka Swahili-ga ayaa si weyn looga isticmaalaa maamulka Jubbaland oo ku dhow xadka Kenya, sidoo kale waxaa lagu isticmaalaa Ururka Midowga Afrika iyo Ururka Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC). Soomaaliya ayaa dhawaan ku biirtay Ururka EAC kadib dadaallo muddo dheer socday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM